Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo Si Balaadhan lagu soo dhaweeyey Hargeysa illaa Gabiley kana hadlay Safar uu Ku Tagay Ingiriiska + SAWIRRO

0
839

SOODHAWYANTA-MUSTAFE-SHIINE-BADHASAABKAHargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe  Cabdi  Ciise  (Mustafe-Shiine), oo muddo bil iyo dheeraad ah hawlo isugu jiray shaqo iyo fasax ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa maanta dalka ku soo laabtay, isla markaana si diirran loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

Badhasaabka ayaa waxaa kaga hor tegay garoonka diyaaradaha Hargaysa masuuliyiin ka socday gobolka Gabiley, oo  u hogaaminayay badhasaabk ku xigeenka gobolkaasi Cali Case, maayarka magaaladda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, xoghayaha dawladda hoose ee Gabiley, isuduweyaasha waaxyaha wasaaraddaha kala duwan ee ka hawl gala gobolka Gabiley,  salaadiin, cuqaal, wax-garad, haween, dhalinyarro iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Guddoomiyaha Gabiley soo dhawayntiisa ka dib, waxa uu ugu baaqay bulshada inay iska jiraan kuwa wis-wiska iyo walaaca ku abuuraya, kalsooni-darradana kala dagaallamaya qaybaha kala duwan ee Bulshada gaar ahaan, dadka ku dhaqan gobolka Gabiley.

Maamulka-Gobolka-Gabiley

Mustafe  Cabdi  Ciise  (mustafe-shiine), oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashadda VIP-da ee madaarka Hargaysa ayaa uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen dhamaanba masuuliyiintii, cuqaashii iyo dadweynihii kale ee halkaasi ku soo dhaweeyay. Isaga oo sidoo kale uga mahad naqay  guud ahaanba bulshadda reer Gabiley oo  guddo iyo dibad-ba u muujiyeen isaga rejo wanaagsan oo ah in uu wax-qabad sameeyay   mudadda kooban ee uu xilka gobolka hayay iyo  in uu mustaqbalka waxyaabo badan ka qaban doono gobolka.

Waxaanu yidhi; “Gudoomiye ku xigeenka gobolka, maayarka Gabiley, cuqaasha, salaadiinta, isu-duweyaasha iyo madaxda kale ee halkan igu soo dhaweeyay aad iyo aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad ii soo dhawaysen.  Waxaan ku raacsanahay cuqaasha runtii in badan maan joogin gobolka ee muddo yar ayaan joogay, mudadaasi yar ee aan joogayna wax badan oo la sheego anigu isma lihi waad qabatay, inta aan joogayna waxay ahayd intii aanu dadka gobolka is-baranaynay,  dibad iyo gudona dadku waxay arkeen waxa  filasho la yidhaahdo, taasi oo ah in la filanayo in aan wax-qaban doono sida aan u arko, qoaddii reer Gabiley ee London igu casuuntay waxaan ku idhi anigu weli waxba maan qaban, laakiin malaha waxaad filanaysaan in aan wax-qabto, qodobkanina waxaan u qaadanayaa in la igu tirtirsiyayo in aan wax-qabto, oo aan gobolka u shaqeeyo.”

Badhasaabka Gabiley ayaa balan qaaday in aanu intii karaankiisa ah waxba ka hag-ran doonin in uu gobolka  horumar gaadhsiiyo,  hase yeeshee aanu isagu kelidii waxba qaban Karin isaga oo ugu baaqay dawladda hoose, isu-duweyaasha, cuqaasha, wax-garadka iyo dhamaanba bulshadda gobolku in ay gacan ka siiyaan hawlahaasi.

“Waxaan balan qaadayaa in aanan waxba ka hagran doonin intii tamartayda ah in aan gobolka wax u qabto, sida dadka dibadda jooga iyo kuwa gudaha joogaaba ay u filanayaan in aan wax-qabtana intii tamartayda ah waan isku deyi doonaa, hase yeeshee anigu keliday waxba ma qaban karro, runtiina dhamaanba goobihii aan hore uga soo shaqeeyay,  waxaan ku soo shaqayn jiray in dadka ila jooga aanu si koox ah u wada shaqayno, weligayna keliday shaqo maan qaban, haddii aan urur saxaafadeed soo joogay iyo haddii aan wargeys dawladeed soo joogayba, saaxiibadaydii ila shaqaynayay ayaanu si wada jir ah wax u qaban jirnay, imikana waxaan filayaa gobolka, degmadda, isu-duweyaasha  iyo cuqaasha in aanu si wada jir ah wax u wada qabano, oo aanay noqon ciyaar uu nin keliya leeyahay, balse ay noqoto mid la wada leeyahay, waxaanan balan qaadayaa wixii aniga igu xidhan oo ah in aan idin xidhiidhiyo dawladda dhexe, in aan ka shaqeeyo intii karaankayga ah. Waxaan ka rejaynayaa xildhibaanadda golaha deegaanka ee Gabiley, oo uu hogaaminayo maayarkoodu iyo cuqaasha iyo madax-dhaqameedka oo uu hogaaminayo suldaanka gobolku waxaan idin leeyahay  waxaan doonayaa in aan gacmaha is-qabsano, oo gobolkaasi sidii aynu horumar u gaadhsiin lahayn u guntano” ayuu yidhi Mustafe-shiine.

Waxa kale oo uu sheegay guddoomiye Shiine, in mudaddii uu dalka Ingiriiska joogay u kulamo kala duwan la yeeshay qurba-jooga u dhashay gobolka Gabiley, isla markaana ay si balaadhan uga munaaqashoodeen sidii gobolka loo horumarin lahaa. Isaga oo ka hadlayay waxyaabihii ay sida weyn uga wada hadleen isaga iyo qurba-jooga reer Gabiley, waxa uu yidhi “Qurba joogii laba qodob ayay I soo fareen, labadaasi qodob oo ah sidii dawladda dhexe looga soo goyn lahaa waxyaabaha ay tirsanayaan ee ka maqan, oo ay ugu weyn tahay in gobolkii sharci-nimadiisii la doono iyo in laga hawl galo sidii loo dhaqaajin lahaa madaarka diyaaradaha ee magaaladda Kala-baydh si dakhliga gobolka sare loogu qaado, ee ay uga soo degi lahaayeen dhamaanba wixii alaabooyin ah ee u socda Wajaale iyo guud ahaan dalkaba, taasina waa fariin aan qurba joogii gobolka u dhashay ka sido, horena niyadda waanu ugu haynay, oo waanu ka hadalnay dhawr jeer, waana xujo ina saran. Taasina anigu keliday kama shaqay karo balse waxaan rejaynayaa gobol ahaan in aynu ka wada shaqayno, gaar ahaan gacanta ugu weyn waxaan ka doonayaa waa cuqasha iyo madax-dhaqameedka oo suldaanka guud hogaaminayo, in ay arrintaasi nagala hawl galaan ayaanu ka doonaynaa. Waxaanan aad ugu han-weynahay uguna niyad-samahay in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo uu arrintaasi niyadda ku hayo mar walbana uu diyaar u yahay sidii loo dhaqaajin lahaa hawlahaasi, anagana ay naga dhab tahay in aanu la nimaadno farsamadeedii iyo bilawgeedii, iyada oo aan rejaynayo arrintaasi sida ugu dhakhsaha badan  in ay u fuli doonto inta aanu sanadkani inaga dhamaanin  insha Allaahu tacaalaa .”

Guddoomiyaha gobolka Gabiley, waxa uu sheegay in ay ka maamul gobol ahaan soo dhaweynayaan   qaadashadda kaadhka jinsiyadda ee ay wado xukuumadu, isla markaana ay madaxweynaha iyo xukuumadiisaba arrintaasi ku garab taagan yihiin.

Waxaanu Mustafe-shiine u soo jeediyay bulshadda reer Somaliland in ay meel uga so wada jeedsadaan waxa uu ku sheegay qaswadeyaal doonaya in ay carqaladeeyaan diiwaangelinta muwaadiniinta oo uu ku tilmaamay in ay ka mid tahay waxyaabihii uu qaranku u baahnaa in la dhamaystiro.

“Sida aad ula socotaan shalay waakii madaxweynuhu badhasaabadda gobolladda iyo maayaradda isugu yeedhay ee la shiray,  in diiwaan gelin la sameeyo  ama in muwaadinka la siiyo sharci, waxay ka dhigan tahay nolosha dadka, qofka muwaadinka ahi waxa uu muwaadin ku yahay ee uu umadda kaga duwan yahay  waa in uu sharciga qaataa, warqadaasi cadaynaysa dhalashadda, qofka aan warqadaasi qaadan muwaadin ma aha. Waxyaabaha la doonayo in qaranka lagu wiiqana waxaa ka mid ah in wis-wis la geliyo dadkeena si aan loo dhamaystirin waxyaabihii  uu qarankani  u baahnaa dhamaantoodba in uu hirgeliyo oo la doonayo in la kala dhantaallo, taasina anigu waxaan u arkaa in aanu si wada jir ah masuuliyiin, shacab iyo cuqaalba uga hor tagno oo aanu   dhan-xiirku dhex-gelin ee laga shaeeyo. Anagu haddii aanu nahay reer Gabiley badhasaab, badhasaab ku xigeen, maayarka iyo golihiisa deegaankaba dhamaantayo waxaanu diyaar u nahay in la diiwan geliyo dadka reer Gabiley, madaxweynaha iyo xukuumadiisana waanu ku taageeraynaa” ayuu yidhi badhasaabku.

Sidoo kale waxaa  halkaasi hadallo ka soo jeediyay xubno isugu jiray salaadiin, cuqaal iyo wax-garad ka mid ahaa dadkii badhasaabka soo dhaweeyay, kuwaasi oo dhamaantoodba ku amaanay badhasaabka sida ay uga go’an tahay in uu wax-qabad  muuqda ka hirgeliyo gobolka.

Waxaanay xubnahaasi tilmaameen in ay badhasaabka ku garab taagan yihiin shaqadda uu gobolka ka hayo, isla markaana ay si niyad wanaag ah ula shaqaynayaa.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here