Guddiga Wanaag Farista Oo Ka Hadlay Dabaal-Degyada 18 May

0
1125
Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cawil Fataax Shire

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cawil Fataax Shire, ayaa ka hadlay xuska 18 may ee hore loo soo dhigay, waxaanu tilmaamay inuu uga mahadnaqay cidda hore uga soo dhigtay wakhtigeedii, madaama ay bishii Ramadaan ku beegantay, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado munaasibada xuska 18 may in lagu kaco waxyaabo diinta ka hor imanaya.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cawil Fataax Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in aad looga faa’iidaysto khayrka bisha Ramadaan haddii ALLE idmo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi“Waxaynu ku jirnaa aakhirkii bishii shacbaan, waxaana ina soo food saartay bishii khayrka badnayd ee Ramadaan, ee barakaysnayd ee qofku qaniimaysan jiray, oo 11 bilood wixii la soo qabtay, la doonayey in lagaga toobad keeno, marka in bishaas barakaysan la isku diyaariyo ayaa wanaagsan, ILLAAHAYNA khayrkeeda ha ina siiyo, umadda reer Somaliland iyo umadda islaamka ahba ILLAAHAY khayr ha siiyo, oo bishaas aynu ka wada faa’iidaysano insha allaah”.

Guddoomiyaha wanaag farsita mar uu ka hadlaayey xuska 18 may ayaa yidhi “Bisha Ramadaan waxa ka soo horeeya xuska 18 may, oo hore looga soo yar dhigay, Xukuumaddana waan uga mahadaqayaa, waana u mahadnaqayaa cida qaban-qaabisay ee hore uga soo dhigtay ee aan ku beegin xuska 18 may bisha ramadaan, waxaana dadka reer Somaliland gaar ahaa dadka xuska sameeynayaa waxaan ugu baaqayaa shacabku mab’da ay muujinayaan ha muujiyaan, laakiin wixii dunuuba ee diinteena iyo sharcigeenu aanay ogolayn aad ha looga feejignaado, khaasatan dadka dhalinyarada iyo da’ yartu, hana laga feejignaado wixii lid ku ah dhaqankeena iyo diinteena”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here