“Guddiga uu magacaabay Farmaajo waxaan u arkaa dagaal iyo xaasidnimo ka dhan ah Somaliland”…xildhibaan Bidhi

0
714

Burco (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa sheegay in gudddiga uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya in ay muujinayso in wadahadaladii au sidaas ku dhamaadeen.

Waxaanu tilmaamay in tallaabadaasi ay bulshadda Somaliland u arkaan dagaal cad u arkaan ficiladda uu mudooyinkan danbe ku kacay madaxweyne Farmaajaha Soomaaliya.

Xildhibaan Bidhi, oo maanta warfidiyeenadda kula hadlay magaaladda Burco, ayaa sidoo kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku amaanay jawaabtii uu ka bixiyay guddigaasi uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Guddigii wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya ee uu magacaabay Farmaajo waxaan u aragnaa dagaal cad iyo xaasidnimo. Waxaanan taageerayaa war-saxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyadda  Somaliland, ee uu soo saaray madaxweynaha Somaliland.

Anigu shaqsiyan haddii aan ka hadlo aragtiday, guddidaasi uu soo magacaabay madaxweynaha Soamaaliya, waxaan u arkaa guddi soo af-jaraysa wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanay iila muuqataa guddi loogu tallo galay sii hurinta colaadda.

Waxa kaloo uu ka hadlay u jeedadda wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in  macnaheedu ahayn in lagala xisaabtamayo xasuuqii magaca Soomaaliya loogu gaystay dadka reer Somaliland.

“Wadahadaladda macnaheedu ma aha in Somaliland iyo Soomaaliya ay is-raacayaan. Balse waa in Soomaaliya lagala xisaabtamo xasuuqii loo gaystay dadka reer Somaliland. Waxaanan filayaa inta uu Farmaajo xilka hayo in aan la wadahadli karaynin”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Dhinaca kale waxa uu u mahad naqay beelaha Direed ee ku shiray magaaladda Muqdisho oo uu sheegay in ay cadeeyeen in aanay maamulka Farmaajo ku taageersanayn tallaabooyinka uu kula kacayo Somaliland.

Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa beelaha Direed ee ku shiray magaaladda Muqdisho, ee iyagu ka dhiidhiyay qaabka ay u shaqaynayso ee ay shacabka Somaliland ula macaamilayso dawladda Farmaajo. Waanan idiinka mahad naqaynaa arrintaasi”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY