Guddiga Qandaraasyadda Qaranka Oo Shaaciyay Tartan Loo Gelayo 9 Mashruuc

0
994

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddiga qandaraasyadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta shaaciyay tartan loo geli doonno 9 mashruuc oo xukuumadu ka  fulinayso  meello ka mida goboladda dalka.

Sagaalkan mashruuc ayaa loo kala hirgelin doonaa wasaaradaha caafimaadka, maaliyadda iyo  xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga, kuwaasoo laga fulin doono goboladda Togdheer iyo Gabiley.

Madashii lagu shaacinayay qandaraasyadani waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha  guddiga qandaraasyadda qaranka  iyo sidoo kale xubno ka mida guddiga qandaraasyadda qaranka.

Maxamed Axmed Xasan (Jaberti), agaasimaha guud ee guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay mar walba ku dedaalayaan in si daah-furan oo cadaalad ah ay bulshadda ugu soo bandhigaan mashruuc kastoo dawladeed oo la fulinayo.

Waxaanu yidhi “Maanta  waxaanu sheecinaynaa baahinta 9 mashruuc. Waxaanan bulshadda Somaliland guddo iyo dibad ba u sheegaynaa, in mashaariicda dawladda hay’ad kastoo ay noqoto iyo gobol kastoo ay noqota ba iyo sidoo kale  degmo kastoo ay noqoto. In si cadaalad ah loo baahiyo, oo loo soo bandhigo, oo la wargeliyo”.

Maxamed Diiriye Xayd, oo ka mida xubnaha guddiga qandaraasyadda qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay noocyadda mashaariicdan tartanka loo gelayo iyo meelaha laga kala fulin doono. “Dhismaha lagu kordhinayo cusbiltaalka guud ee Burco, dhismaha lagu kordhinayo kastamka Kalabaydh,  dhismaha cashuuraha beriga ee gobolka Togdheer.

Dhismaha  xarunta tijaabadda iyo wax-soo-saarka calafka xoolaha ee Wajaale, daawadda shaybaadhka xoolaha. Laba Doonyood oo kuwa Kalluumaysiga ah, laba Doonyood oo Folfe ah iyo  hal mishiin oo Yanmar ah”.

Sidoo kale Maxamed Faarax, oo ka tirsan xubnaha guddiga qandaraasyadda qaranka ayaa isna ka warbixiyay siday uga go’an tahay in ay cadaalad ugu gar-naqaan shirkadaha ka qayb gelaya tartankaasi.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here