Guddiga Komishanka Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqay In Goobihii Codbixiyayaasha Somaliland Ay Soo Xidhmeen , Tirinta Codadka Oo Bilaabantay iyo Fariin Digniin Ahna U Direy Shacabka Somaliland

0
1294

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa Caawa ku dhawaaqay inay soo xidhmeen goobihii codbixiyayaassha Somaliland caawa fiidkii.

Goobaha ay ka socotay codbixinta doorashada madaxtooyada somaliland ayaa haaatan waxa si rasmi ah uga bilaabmaya tirinta codadka ay dhiibteen shacabka somaliland ee kala dooranayey murashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiyada qaranka Somaliland.

Dhinaca kale waxa caawa fiidkii hawada laga saaray baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook, twitter iyo WhatsApp, Mesenger iyo kuwa kale, iyada oo laga cabsi qabo in lagu baahiyo warar la xidhiidha natiijada doorashada oo been abuur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here