Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Lagu Marti Qaaday Shir Ka Dhacaya Wadanka Namibia Iyo Qodobada Lagaga Hadlayo

0
1067
Xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Photo file

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiye Ku xigeenka Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Mudan Maxamud Xasan Wacays iyo Commissioner Cabdifatah Ibrahim Hassan oo kamid ah xubnaha sare KDQ ayaa ka qaybgalaaya shirka caalamiga ah ee ID4Africa oo sanadka lagu qabanaayo Caasimada Wadanka Namibia ee Windhoek.

Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa labadi sano ee u danbeeyay si toos ah uga qaybgalaayay shirweynaha ID4 Africa oo ah shir ay ku kulmaan in ka badan 100 Wadan oo dunida ka tirsan iyo shirkadaha dunida ugu waa weyn ee soo saara qalabka technologies,  gaar ahaan biometrics iyo Qalabka iyo Softwares kala duwan ee loo adeegsado Diiwaangelinta Codbixiyayaasha (Voter Registration) , Habka  Hubinta Codbixiyayaasha (Voter Identification System) , Gudbinta Natiijada Doorashada (Result Transfer system)

Daabacada Kaadhadhka Codbixiyayaasha (Voter ID Card – Printers) Qalabka Daabacada iyo Xog Ururinta Diiwaangelimaha Madaniga ah (Civil Registration).

Xubnaha KDQ waxay sanadkii  hore 2016 Wadanka Rwanda Caasimadiisa Kigali kaga qayb galeen shirkii 2aad ee ID4Africa halkaas oo KDQ ka jeediyay warbixin la xidhiidh nidaamka Casriga ah ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka u sameeyay diiwaangelinta iyo habka casriga ah ee loo yaqaano (Iris) loona sawirayo buda isha.

Sanadkan Xubnaha KDQ ee ka qaybgalaaya  shirk aka dhacaaya Casimada Namibia  Windhoek Waxay halkaas kula kulmi doonan xubno ka socda Guddiyada Doorashooyinka Wadamo badan oo Afrikan ah, Hayaado badan oo caalamiya kana shaqeeya arimaha Doorashooyinka, iyo shirkadaha  waaweyn oo caalmiya oo sameeya Qalabka iyo Softwares ka kala duwan ee loo adeegsado Doorashooyinka.

Shirka ayaa lagu soo bandhiga technologies ugu danbeeyey ee la xidhiidha dhinacyada Doorashooyinka, casharada laga bartay hababka kala duwan ee laga adeegsado Africa iyo wadamado kale, waxa warbixino ka jeediya shirkado iyo haayado badan oo Afrikan ah kuwaaso si qoto dheer ka qaybgalayaasha ula wadaaga nidaamka ay u sameeyaan Doorashooyinka iyo Diiwaangelimaha iyo hababka casriga ah ee ay adeegsadaan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here