Guddida Doorashada Puntland oo Dhamaantood Is-Casilay

0
694

Garoowe (HargeisaPress) – Guddida doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay dhamaantood is-casileen, kuwaas oo sheegay in is-casilaadooda ay keentay duruufo u gaar ah oo ku gedaaman guddidaasi doorashada.

Xubnaha guddidan doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa sidaasi sheegay mar ay maanta shir jaraa’id ku qabteen magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedkaasi Soomaaliyeed ee Puntland.

Sidoo kale Guddidan Doorashada Puntland ayaa iscasilaadooda ku sheegay inay sababtay in xubno ka mid ah guddidaasi ay hore isku casileen isla markaana aan xilalkooda la soo buuxin.

Guddidan doorashada Puntland ayuu hore u soo magacaabay Madaxweynihii hore ee maamul goboleedkaasi Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), walow uu ku guuldaraystay in maamul goboleedkaasi uu ka hirgaliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Waxaanay guddidani intii aanay iscasilin ay warqada is-casilaadooda ay u gudbiyeen Madaxweynaha Puntland iyo golaha Baarlamaanka, kuwaas oo ka ogolaaday Iscasilaadooda.

Waxaana la ogyahay in maamul goboleedka Puntland uu ku guuldaraystay tan iyo xiligii la aasaasay sanadkii 1998-kii in laga hirgaliyo nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah iyadoo, waxaanu mudooyinkii u dambeeyey ay ku soo dhaqmayeen in Madaxweynaha ay soo doortaan aqalka Baarlamaanka oo iyagana la soo magacaabo.

 

HargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here