Guddida Doorashada Oo La Dhaariyay iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo La Dardaarmay

0
1438

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa maanta Madaxweynaha ku hor dhaariyay 7-da xubnood ee Guddida doorashooyinka Somaliland ka dib markii dabayaaqadii bishii hore la ansixiyay.
Guddida doorashada ayaa dhaar ku maray inay dhex u ahaanayaan islamarkaana Caddaalad ugu shaqaynayaan saddexda Xisbi iyo Musharaxiinta Doorashadooyinka qorshaysan inay qabtaan.
Gudoomiyaha Maxakamadda Sare iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa Alle uga baryay in hawshu u fududaato “Aaad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta hortayda la idinku dhaarinayo, waxaan Illaahay ka rajaynayaa in Hawshiinu noqoto mid lagu wada badhaadho oo dadka iyo dalka u horseeda horumar iyo Caddaalad.” Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay inay muhiim u tahay dalkan Dimuqraadiga ah Guddida doorashadu “Waxaynu nahay dal doortay Dimuqraadiyad, waxaynu qaadanay dimuqraadiyad, doorashooyin iyo hawlo fara badan ayaynu galaynaa, markaa Ahmiyada ay guddidaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aad dalka iyo dadkaba uga baahan tihiin Kalsooni, Kalsoonidiina waad haysataan ee Illaahay Garabkiina ha galo oo ha idinla qabto” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Guddida doorashada ayaa la rajaynayaa inay degdeg u doortaan Hogaankooda ka dib markii tan iyo markii la ansixiyay uu ka dhex jiray loolan dhanka hogaanka ah,waxaanay safar tababar ah u tagi doonaan dalka Kenya, iyagoo kadibna hawlaha diyaarinta doorashada galaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here