Guddida dhismaha Jidka Balligubadle Ilaa Hargeysa oo Amaanay Hawsha Laga Qabtey Waddada DAWGA-CAD, Kuna Taliyey In Laga Qayb-qaato Dhamaystirkiisa

0
862

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo ay wehelinayeen Guddida dhismaha Jidka Hargeysa ilaa Balligubadle, ayaa Khamiistii dorraad kormeer ku maray Jidka DAWGA-CAD iyo Magaalo xeebeedda Ceel Sheekh ee Woqooyiga gobolka Maroodi-jeex.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd soo indho indheynta halka uu marayo dhismaha jidka DAWGA-CAD ilaa Ceel Sheekh oo meel wanaagsan maraya iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhamaystirkiisa. Waxayna labada guddi si wada jir ah u soo mareen meelaha la dhamaystiray ee Jidka DAWGA-CAD iyo meelaha qabyada ka ah ee la wado hawshiisa, waxayna kormeerkaasi ka dib socdaalkooda ku gaadheen Magaalo xeebeedda Ceel Labada Guddi ayaa xeebta Ceel Sheekh ku yeeshay kulan lagaga wada hadlay isla-markaana lagu falan-qeeyay sidii loo sii xoojin lahaa dhamaystirka jidka Dawga-cad ilaa Ceel Sheekh.
Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kulankaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa yidhi, “Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa Guddida dhismaha Waddada Balligubadle-Hargeysa oo halkan noogu yimid.”
Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in dhismaha jidka DAWGA-CAD uu ku socdo tabarucaadka dadka reer Somaliland ee gudaha iyo dibadda dalka ku nool, “Waddada DAWGA-CAD waxa hirgeliyey dadkii danaynayey ee adduunka noo soo dirayey, waanu idiin mahad-naqeynaa, waxaanuna ILAAHAY ka rajeynaynaa inaad dalkiina ku soo noqotaan oo aad aragtaan halka maanta hawshu mareyso, waana meel aad u qurux badan..dalku waa dal aad u qurux badan, waxa la innaga doonayaa inaynu dhisno oo aynu wakhtiga hurno,” ayuu yidhi.
Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, ayaa isaguna halkaasi uga duceeyay dadweynaha gacanta ka geysta dhismaha Jidkaasi “Waxaad soo bixisaan ILAAHAY ha idinku ilaaliyo, wax ka khayr badan ILAAHAY ha idiinku beddelo. Hawshiina waynu ku jirnaa oo waynu isku gargaarsanaynaa, markaa waa in la soo dedaalo”ayuu yidhi, Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac.
Xubno ka mid ah Guddida dhismaha jidka Balligubadle ilaa Hargeysa oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa amaanay hawsha laga qabtey jidka DAWGA-CAD oo ay sheegeen inuu la mid yahay Dawga-sheekh, waxayna dadweynaha kula dardaarmeen inay ka qayb-qaateen dhamaystirkiisa. “Ismaan lahayn buuraha ayaa la jeexi oo xeebta ayaa si fudud lagu tagi, maanta (shalay) ayaa iigu horeysa Dawga-cad, waxaan tirinayey baabuurta mareysa, tirada gaadiidka marayaa waxa uu ku tusayaa muhiimadda jidka DAWGA-CAD, laakiin waxa look ala xigayaa yaa wax ku darsaday iyo yaa wax ka qabtey” ayuu yidhi Xasan oo ka mid ah Guddida dhismaha Jidka Balligubadle ilaa Hargeysa.
Xubin kale oo ka mid ah Guddida waddada Balligubadle ayaa isaguna yidhi, “Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD waxaanu leenahay ha ka daalina dedaalka aad waddaan, waayo waxbaad reer Somaliland tusteen, in Buuro la jajabin karo ayaad tusteen. Sidaa daraadeed waxaanu leenahay jidka DAWGA-CAD ha laga qayb-qaato.”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here