Guddi Hoosaad Wakiillada Ah Oo Baadhaya Sidii Loo Kharash-gareeyay Miisaaniyad-sannadeedkii 2016-ka Oo Golahaa Hor-taalla

0
1006
Xildhibaan Naasir Cali Shire PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay kulan la yeeshay Hanti-dhowraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland, waxayna ka wada-hadleen Xisaab-xidhka Miisaaniyad-sanadeedkii 2016-ka oo Hor-taalla Golaha Wakiillada.

Kulankan Saddex Geesoodka ah oo Albaabbadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ujeeddadiisa faahfaahiyey Guddiga Guddi Hoosaadka Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Naasir Cali Shire, waxaanu yidhi “Waxa Xafiiska nagu soo booqday Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo wata Shaqaalihiisii iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo wata Shaqaalihiisii, Kulanka aanu la yeelanay wuxuu daaranaa Xisaab-xidhkii Miisaaniyad-sanadeedka 2016-kii oo hor-yaalay Golaha Wakiillada, waxa kale oo uu kulanku daaranaa wixii ka dambeeya Xisaab-xidhkan sida loo wada shaqeynayo.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in Masuuliyiinta Hanti-dhowrka iyo Xisaabiyaha Guud u ballan-qaadeen inay tusaan Caddaymaha Xisaab-xidhka miisaaniyaddii 2016-ka “Waxaanu isla soo qaadnay Xisaab-xidhnaa waxyaabaha ku gedaaman sidii loo caddayn lahaa ee faahfaahin looga bixin lahaa ee Dhukumantiyadiisa loo heli lahaa ee loo caddayn lahaa, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dhowraha Guud waxay noo ballan-qaadeen waxyaabahaas caddayntoodii inay noola diyaar yihiin inaanu idhahayaga ku soo aragno, markaa Maalmaha soo socda ayaanu ka hawl-galaynaa sidii aanu u soo taaban lahayn Tirooyinka Lacageed ee ku qoran Xisaab-xidhka Miisaaniyadda sidii loo kharash-gareeyay iyo Dakhligaasi siduu ku yimid.”ayuu yidhi, Xildhibaan Naasir Cali Shire

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here