Google Oo Soo Saaray Kooxaha Loogu Raadinta Badnaa Premier League Sannadkan 2017-Ka

0
1975

HargeisaPress —Manchester City uma soo baxdeen tartamada Yurub haddii miiska kala sareynta Premier League lagu qiimeyn lahaa sida magacooda loogu baadhay shabakada Google.Kooxda hogaamineysa horyaalka ee City ayaa kaalinta todobaad ka soo gashay kooxaha Premier League ee sannadkan 2017 lagu raadiyay Google ee UK gudaheeda inkastoo kooxda Pep Guardiola ay guulo xidhiidha gaadhaysay.

Kooxda ay deriska yihiin ee Manchester United ayaa ah kooxda kaalinta koowaad ka soo gashay baadhitaanada Google Premier League waxaana ay ka horeeyaan Liverpool, Arsenal iyo kooxda horyaalka difaacaneysa ee Chelsea.Kooxaha Tottenham iyo Everton ayay dadka UK degan si weyn ugu raadiyeen Google marka loo eego Manchester City.Inkastoo ay sannadkii seddexaad ka ciyaarayaan Premier League kooxda Bournemouth ayaa ah kooxda kaalinta ugu hooseysa ka soo gashay raadinta Google.

Brighton ayaa 19 ku jira halka Huddersfield ay ku jirta kaalinta 18aad. Kooxda kale ee sannadkan u soo dalacday Premier League ee Newcastle ayaa kaalinta 9aad kaga jirta kooxaha sida weyn loogu raadiyay Google sannadkan.Google ayaa baahisay warbixinteeda dadka isticmaala ee degan UK.

Isku aadka Koobka Adduunka ayaa ahaa dhacdadii kubada cagta ee weyneyd ee lagu raadiyay bartaan waxaana ay ka horeysay Confederations Cup, finalka FA Cup iyo finalka Champions League.

Hadaba liiska kooxaha ugu raadinta badnaa ee barta google iyo sanadka 2017 ka ayaa u kala horeeyaye sidna. 1- Man  United,   2-Liverpool, 3-Arsenal, 4-Chelsea, 5-Tottenham,        6-Everton, 7-Man City, 8- West Ham, 9-Newcastle, 10-Leicester, 11-Southampton,  12-Crystal Palace, 13-West Brom,14-Stoke, 15-Watford, 16-Burnley, 17-Swansea, 18-Huddersfield, 19-Brighton  iyo 20 Bournemouth.

LEAVE A REPLY