Golaha Wasiirrada Ee Cusub Oo La Dhaariyey Shalay & Go’aamo Ay Ka Soo Saareen Fadhigoodii U Horreeyay

0
1073

Hargeysa (HargeisaPress) —Kulankii u horreeyay ee Golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu dhaariyey xubnaha Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada cusub, isla markaana waxa laga soo saaray toddoba qoddob oo bar bilow u noqon doona Xukuumadda cusub.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Golaha Wasiirada cusub ayaa waxa shirguddoominayey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, waxa lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah, waxaana ka soo qaybgalay 31 xubnood oo ka mida 32-ka  xubnood ee golaha wasiiradu ka kooban yahay. Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi waxuu kalfadhigaa ka sheegay in xukuumadan hiigsigeeda uu  saldhig u yihiin Ballanqaadyadii  iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay ololaha iyo Qorshaha horumarinta Qaran ee labaad (NDPII).

Kulankaa ugu horreeyey oo qaatay muddo saacado ah, wuxuu ahaa kulan isbarasho iyo is xog wareysi. Madaxweynuhu wuxuu si gaara hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay Muwaadinimada wada jirka ummadda aynu masuulka ka nahay, isagoo Golaha faray in juhdi iyo dedaal midaysan loo galo sidii ummadda loo midayn lahaa, loogana saari lahaa xannaftii ka dhallatay tartankii ololaha doorashada.

Haddaba, fadhigii koowaad ee uu yeesho golaha wasiirada cusub maanta oo ay taariikhdu tahay 16.12.2017, una shir Guddoominayey Madaxweynuhu waxa lagu go’aamiyey qodobadan soo socda;

  1. Waxa dhammaan golaha lagu dhaariyey inay ilaashaan sirta golaha wasiirada iyo ta qarankaba.
  2. In Golaha Wasiiradu ay diiwaan geliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo maguurtadaba).
  3. In dhammaan Golaha wasiiradu ay keenaan xogta shaqsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee   looga baahan yahay oo dhameystiran.
  4. In la qabto kulano joogta ah oo la xidhiidha qaabka wada shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiiraduhu qaranka u hayaan.
  5. In dhammaan gobollada dalku ay u sinnaadaan caddaaladda iyo horumarka.
  6. Maadaama ay wasiiradu yihiin masuuliyiin qaran loona igmaday xil qaran, waa inaan loo arag wasiir qollo, mid qoys iyo mid qabiil toona. Sidaas darteedna ay reeban tahay in Wasiiradu ay ka qayb galaan casuumado beelaysan oo Wasiirka ay beeshiisu  si gooniya ugu  maamuusayo.
  7. In xafladaha xil wareejinta ee mas’uuliyiinta cusubi ay kala wareegayaal mas’uuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here