Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Markii Lixaad Muddo Kordhin Loo Samaynayo

0
575

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha Guurtida u gudbiyay waraaq uu kaga dalbanayo in muddo kordhin loo sameeyo xildhibaanadda golaha Wakiiladda.

Sidaasina waxaa shaaciyay guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo fadhigii maanta ee golahaasi xildhibaanadda u sheegay waraaqdaasi muddo kordhintu soo gaadhay.

Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu sheegay in ay guddi soo derista saarayaan waraaqda muddo kordhinta loogu samaynayo golaha Wakiiladda, isla markaana berito la magacaabi doono.

Isagoo xildhibaanadda waraaqdaasi ku wargelinayayna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo war ah, warqadii muddo kordhinta golaha Wakiiladda baa ina soo gaadhay.

Guddi ayaan u saaraynaa, iskama uun guddo gelaynee. Guddi derista, oo tallo inagu biirisa ayaan u saaraynaa”.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kaloo uu sheegay in xubno guddi ah loo saari doono si ay u soo naaqishaan waraaqda dalabka la doonayo in mudadda loogu kordhiyo golaha Wakiiladda.

“Guddiga berito ayaan magacyadoodda idiin sheegaynaa. Waraaqdana waa la idiin akhriyayaa.

Berito haddii ALLE yidhaahdo, guddida-na waa la magacaabayaa, qoraalkana waa la akhriyayaa”ayuu yidhi guddoomiyaha Guurtidu.

Dhinaca kale waa markii lixaad oo muddo kordhin loo sameeyo xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland oo la soo doortay sanadkii 2005-tii, isla markaana muddo xileedkoodu ku ekaa sanadkii 2010-kii.

Hase yeeshee muddo kordhino badan oo loo sameeyay golaha Wakiiladda darteed ayaa ka dhigaysa in golahaasi ay muddo 9 sanadood ah sharci darro ku fadhiyeen, iyadoo aan la ogayn inta ay noqon doonto mudadda mar lixaad loo kordhin doono.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here