Golaha Guurtidda Somaliland Oo Eedayn U Jeediyay Garyaqaanka Guud

0
1081
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa ku eedeeyay garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Cabdi Semad Cumar Maal,  in uu si qarsoodi ah u gudbiyay xeerar aan la soo marinin goleyaasha sharci dejinta.

Xeerarka ay Guurtidu ku eedeeyeen garyaqaanka guud in uu qariyay waxaa ka mida  xeerar  ay ka mid yihiin xeerka maamuuska madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka iyo xildhibaanadda, xeerka hanti dhawrka guud iyo xawaaladaha.

Kuwaasoo uu  saxeexay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoon aanay ka gudbin goleyaasha sharci dejinta.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Guurtidda xildhibaan Axmed Dirir Cali, iyo xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Ina Libaaxo), oo maanta warbaahinta kula hadlay  magaaladda Hargaysa in uu si khiyaamo ah u  dhaafiyay goleyaasha.

Xildhibaanadan  ayaa ku doodaya in aan sifaha sharciga ah loo marin ansixinta xeerkaasi, isla markaana aanu ka gudbin labadda gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda.

Halkan Ka Daawo Xildhibaanadda Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here