Golaha Guurtida Somaliland Oo Iska Difaacay Eeda Mucaaradka Farriin Doorashada Ku Saabsana u Diray Komishanka Doorashada

0
953

guurtiHargeysa (HargeisaPress) — Golaha guurtida Somaliland, ayaa difaacay sharciyada ay ku fadhiyaan oo Mucaaradku naqdiyay, sidoo kalena waxay Farriin ku aadan in Dalka doorasho ka wada dhici karto iyo inkale u direen Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Shir Jaraa’id oo Golaha guurtida Masuuliyiintiisu ku qabteen Xarunta Golaha ayaa lagu sheegay inaan dalka doorasho ka dhici doonin haddii meelo ama degmooyinka mid ah ay ka jirto Abaar ama Nabad la’aani.

“Asxaabta Qaranka waxaad moodaa inay had iyo jeer baal maraan Sharciga,waxa hadaladoodii ka mid ahaa jiritaanka Goleyaasha Qaranka, ma jecli inaan dood dheer ka galo Goleyaasha Qaranku ma jiraan ma Xaaraanbaa laakiin, waxaan leeyahay waa Goleyaashii Dalka ugu sareeyay, cidda leh Goleyaasha Qaranku Xaaraan bay ku fadhiyaan ama ma jiraanna waa cid leh Somaliland ma jirto. Goleyaasha Qaranku waa Goleyaasha Xeer dejinta, sharci baanay ku fadhiyaan”  Ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali

Gudoomiye xigeenka  oo sidoo kale tixraacayay Qodobka Mucaaradku ku sheegay in Dawlad wadaag ah la dhisi doono haddii xukumaddu Doorasho qaban waydo waxa uu sheegay inaanay sharciga meelna kaga jirin dhisida Dawlad wadaag ah.

“Haddii Doorashadu qabsoomi waydo Duruufkasta ha ku qabsoomi waydee Dastuur baynu leenahay oo wax ka dhigaya.Qodobka 83-aad Farqadiisa 5-aad ee Dastuurka ayay ku caddahay habka looga gudbayo haddii doorashada Madaxweynuhu qabsoomi waydo. Waxa uu Golaha guurtida ku waajibinayaa inuu Mudo kordhin u sameeyo Madaxweynaha, isagoo waliba ku qiimaynaya xaaladaas inta lagaga gudbayo. Waa Awood gaar ah oo Dastuurku siiyay oo u jideeyay Golaha guurtida” ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.

Gudoomiye xigeenka Golaaha guurtidu waxa uu Guddida Doorashooyinka Qaranka Faray inay Sameeyaan Qiimayn iyo Sahan ku saabsan sidii dalka oo dhan doorashadu uga dhici lahayd islamarkaana ay Golaha u soo gudbiyaan meel kasta oo aanay doorasho ka dhici Karin ama Abaari ha ka jirto ama Nabad galyo darro ha jirto eh.

“Xeerka Doorashooyinku waxa uu dhigayaa, in Doorashooyinku ka qabsoomaan dhamaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaanu u soo jeedinaynaa inta aanay Bilaabin Diwaan galinta inay Sahan sameeyaan Ama Qiimayn buuxda. Gobol iyo degmaba inay ka sameeyaan Qiimayn bal in doorashadu ka qabsoomayso iyo in kale, hadii meelo dalka ka mid ah Xaalado ka jiraan ama Abaar ha noqoto ama Mid nabad galyo darro eh, anagu waxaanu qabnaa inta dalku ka baxayo Xaaladdahaasi inaanay doorasho ka dhici Karin Dalka, haddii dalka qaybna doorasho lagu qabto qaybna aanay ka dhicin waxay wax u dhimaysaa israacsanaanta dal ahaaneed ee Somaliland. Waxay micnaheedu noqonaysaa inaanay inta aan doorasho ka dhicin Somaliland aanay ka mid ahayn, waa Farriin aan siinayo Komishanka Qaranka” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Guurtidu

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY