Golaha Guurtida Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Xukumadda iyo Golaha Wakiilada Somaliland

0
978

Hargeysa, (HargeisaPress) — Mudaneyaasha Guurtida Somaliland, ayaa maanta kordhiyay Muddo xileedka Xukumadda Somaliland iyo Aqalka Wakiilada. Fadhi goluhu yeeshay Isniinta maanta ayaa lagu go’aamiyay in Xukumadda iyo Wakiilada loo kordhiyo muddo dhan hal sanno iyo 10 bilood. Muddada Madaxweynaha iyo wakiilada ayaa ku eekaan doonta 27-ka April 2017-ka.

Halkan kaga Bogo go’aanka Guurtida ee ku aadan muddo kordhinta iyo sababaha loo cuskaday

Golaha Guurtidda JSL , ayaa isagoo tixraacayay warqada Madaxwaynaha JSL ee LrJSL/M/GG/81/2-3218/04/2015 ee25/04/2015, kuna saabsanayd nuxur ahaan ka waajibaad qaadashada dibu- dhaca ku yimid doorashadii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda, kuna lifaaqnayd warqaddii koomishanka doorashooyinka qaranka, ayaa gudo galay muddo korodhsiimada .

Si Goluhu uga guto xilka kaga aadan, ayuu shir- Gudoonka Golaha Guurtidu u magacaabay guddi ka koobnayd 30 xubnood, oo kala ahaa 28 mudane, Xoghayaha Guud ee Golaha iyo lataliyaha sharciga 30/04/2015, Goluhuna ansixiyay kuna ansixiyay cod loo dhana(Unanimous ) .

Guddiggu fadhigoodii ugu horeeyay oo qabsoomay 3/05/2015 waxay ku dajisteen qorshe hawleedkoodii ay ku shaqayn lahaayeen , iyado qoraalo kala gaar –gaar ah loo kala gudbiyay saddexda xisbi qaran iyo koomishanka doorashooyinka , si loo dhagaysto aragtiyohooga kala duwan ee ay ka qabaan dib-udhaca doorashoyinka ku yimid iyo wakhtiga ku haboon ee ay u qabsoomi karaan si sharciga waafaqsan .

Kullankii ugu horeeyay wuxuu Guddigu ka dhagaystay si kala gaar-gaar ah labadda Xisbi ee kala ahUCID iyo WADDANI 05/05/2015.

Sidoo kale waxay Guddigu kullankooddii labaad-(2aad) la kala yeesheen xisbiga kulmiye iyo Koomishanka Doorashooyinka qaranka(KDQ) 06/05/2015.

Kullamaddaasi waxa lagu dhagaysanayay  araa’da ay qabaan iyo wixii tallooyin ah ee ay soo jeedinayeen . Dhinaca kale xubnaha Guddiggu waxay caddaymo iyo su,aalaba ku waydiiyeen Guddigga Doorashooyinka Qaranka . caddaymahaasi iyo su’aalahaasiba waxay ahaayeen qaar dhinacyo badan oo kala duwan taabanayay.

Ugu dambayntii Guddigguwaxay tallo soo- jeedin dambe ka dhagaysteen Xisbiyada Qaranka 09/05/2015, taasi oo ay ku kordhinayeen tallo soo-jeedimahoogii hore .

Guddiggu dood iyo falanqayn ka dib waxay qiimayn mugleh oo ballaadhan ku sammeeyeen xaalaadka guud iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira dalka.

 

Dhinaca kale waxay Guddiggudiirada ku saareen , lagama maarmaana u arkeen in Diwaan-galinta muwaadinka , codbixiyayaasha iyo doorashooyinkuba si xor ah , xalaal ah oo nabadgalyo ku dheehantahay uga wada qabsoomaan dhammaanba dalka , gaar ahaana Gobollada iyo Degmooyinka Bariga ,iyado la ilaalinayo midnimadda iyo isu-dhamaashaha dhul ahaaneed ee JSL .

Guddiggu waxay yaqiinsadeen inay jiraan fara-galino dibadeed oo lagu kala qaybinayo, dad ahaan iyo dhul ahaanbaJSL, taasina ay ka soo horjeedo jiritaanka iyo midnimadda ummadda Somaliland , sida ku cad Qoddobka 38aad, farqadiisa 4aad, xarafkiisa (b) ee Dastuurka JSL .

Guddiggu waxay is-tuseen baahida loo qabo xoojinta amniga Gobolladda iyo Degmooyinka Bariga , iyo isla-marahaantana xal u helidda wixi tabashooyin iyo khilaafaad jira, taasi oo ubaahan wakhti lagaga bogan karo suullinta arrimahaasi , iyadoo la –isla kaashanayo Dawlad iyo shacbiba .

Waxa kale oo Guddiggu, dood iyo falanqayn dheer ka dib , garwaaqsadeen inay jiraan qabyooyin dhinaca shuruucda ah, oon la’aantood la mudayn Karin , lana qaban Karin doorashada.

Guddiggu waxay intaasi ku dareen xaalada cimmilladda ee dhinaca xeebaha iyo wakhtiga ku habboon inay doorashooyinku ka qabsoomaan .

 

Haddaba Golaha Guurtidu ,

 

Markii                     uu dhagaystay warbixintii Guddigga oo ay ku

ladhnaayeen fikradihii,aaraadii , iyo tallooyinkii

seddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka;

 

Markii                    uu qiimeeyey xaaladka , iyo duruufaha ka jira

Gobolladda  iyo Degmooyinka Bariga iyo guud ahaan

ba dalka JSL ;

 

Markii                    uu  lagama-maarmaan u arkay in ay ka suurto –galaan   Diwaan-

gelinta muwaadinka iyo cod-bixiyeyaashu

dhammaanba dalka JSL , si ay u suganto is- raacsananta

dhul ahaaneed iyo dad ahaaneedba ee

Dastuurku waajibiyay ;

 

Markii                   uu   yaqiinsaday in go’aankii ay ku cayimeen

Koomishanku wakhtiga doorashadu u ahaa mid baalmarsan,waa

faqsanayna Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyago sammeeyay

muddo korodhsiimo anay awood sharciyeed u lahayn ;

 

Markii                  ay arkeen in xeerkii hore ee doorashada ee Golaha

wakiiladu u ku dhaqankiisu ku ekaa doorashaddii

hore oo kaliya , illaa haddana anu jirin xeer u diyar

ah doorashada Golaha Wakiiladda, kaasi oo u baahan

wakhti, wada-hadal, is-qancin, iyo isu-tanaasul

dhinaca saami-qaybsiga oo hore moran uga taagnaa,

illaa haddana u ka taagan yahay;

 

Markii                uu    qiimeeyay xaaladka cimmilladda ee degmooyinka

Xeebaha dalka JSL iyo wakhtiga ku haboon inay

doorashadu  ka qabsoonto ;

 

Markii              uu    si mugleh u qiimeeyay xaalaadka dhaqan/dhaqaale

bulsho, iyo nabadgalyaba, guud ahaanba , gaar ahaana

saamaynta dhaqaale ee colaadda ka oogan gacanka

cadmeed ay ku yeellatay ganacsigii Somaliland ;

Iyado     laga taxadirayo , dib- u dhac dambe oo ku yimaada

Doorashooyinkan iyo mudo kordhin soo noq-noqota

Iyo dhammaystir la’aan qabyooyinka taagan ;

 

 

Marku           arkay Qoddobka 42aad faqradiisa seddexaad ee

Dastuurka Jamhuuriyada somaliland ;

 

Marku            arkay Qodobka 83aad faqradiisa 3aad iyo 5aad e

Dastuurka dalka Jamhuuriyadda Somaliland;

Isago                ka duullaya , tix galiyeyna , kuna go’aan qaatay

dhammaanba asbaabaha kor ku sheegan, kuna cad;

 

Wuxuu soo saaray Go’aamaddani:

 

  1. Muddo korodhsiimooyin.

            1-  Waxa la-laalay muddada doorasho ee ku cayiman

warqadda lambarKDQ/XK/406/2015 ee 20/04/2015, kana soo

baxday xafiiska koomishanka Doorashooyinka Qaranka , madama anay

waafaqsanayn xeerka doorashada lambar 20/2001,qoddobkiisa 8aad

oo u dhigan nuxur ahaan “in anay koomishanku cayimi Karin muddo/maalin

doorasho oo ka baxsan dhammaadka muddo xileedka Madaxwaynaha, ku   

   xigeenkaiyo Golaha wakiiladdaba, ‘’sido kalana anay waafaqsanayn qoddobada

   42aad iyo 83aad ee DastuurkaJSL .

 

 

2- Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka    

   Madaxwaynaha  oo ku eg  27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo

ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

 

 

3- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

 

4Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu  noqonayaa hal sano ka dib (one year after) dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya27/4/2017, sida waafaqsan ama ku cadba go’aanka lambar GW/KF-19/245/2003 ee 29/03/2003, una dhigan “in muddada xilka Golaha Guurtiddu markastaba hal sano ka dambayso taariikhda dhammaadka muddada xilka Golaha wakiiladda ” .

 

5- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladduwaxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Dalka Jamhuuriyada Somaliland .

 

 

 

B-    Wajibadka la kala  qabanayo, la wada qabanayo iyo hawlaha la    

          dhammaystirayo

  • Iyadoo xukuumaddu horumuud ka ah , waa in si deg-deg ah qorshe dhammaystiran oo iskaabaya ( comprehensive and special programme ) oo qaran lagu wajaha Gobolada iyo Degmooyinka Barriga , oo laga taabo- galiyaa maamul adag iyo amni, si looga suurto- galiyo diwaangelin muwaadin , cod-bixiye iyo doorashaba .

Sidoo kalena loo sammeeyaa Barnaamij hawleed u gaar ah , oo laga wada qayb –galayo Goleyaal ahaan ,Xisbiyo Qaran ,koomishan doorasho, waxgaradka bulshada qaybahooga kala duwan iyo shacbiba .

 

  • Qabyooyinka dhinaca xeerarka Goleyaasha (Wakiiladda iyo Guurtiddaba) iyado xukuumaddu ku hoggaaminaysa waa in si wada jir ah oo xil-kasnimo ku jirto loo dhammaystiraa , qorshe deg-deg ahna laga yeesha . waajibaad gudasho la’aan ayay noqonaysaa haddii aan loo qalab qaadanin dhammaystirka qabyooyinka dhinaca shuruucda .

 

  • Golaha Guurtidda waxa ku waajib ah isagoo gacan-siinaya xukuumadda inuu ka qayb qaato iskuna diyaariyo adkaynta nabadgalyada iyo wacyi-gelinta bulshadda qaybaheeda kala duwan.

 

 

  • Golaha wakiiladda waxa ku waajib ah in uu meel-mariyo qaybna ka qaato hindise sharciyeedyada qaranku u bahan yahay si fir-fircoon

oo xilkasnimo ku jirtana u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah .

 

  • Koomishanka Doorashooyinka Qaranka waxa waajib ku ah in ay ku tallo –galaan siddi Degmo kasta iyo Gobol kasta looga hirgalin lahaa diwaan-gelin muwaadin , codbixin iyo doorashaba.
  • Koomishanka Doorashoyinka qaranku , waa in ay ku tallaabsadaan barnaamij wax ku ool ah oo horseedaya doorashooyin xor iyo xalaal ah, qof kastaana ku dhiiban karo hal cod oo keliya, isla -marahaan –taana siiyaan muwaadiniinta isdiwaan-gelinaysa wakhti ku filan.
  • Koomishanka waxa waajib ku ah ku dhaqanka shuruucda iyo Dastuurka dalka JSL.
  • Xisbiyada qaranka waxa waajib ku ah in ay la yimadan Barnaamijyo siyaasadeed oo bulshadda ka gudbinaya caqabadaha kala duwan ee haysta ee ragaadiyay horu-markooda, kana waantoobaan wixii bulshadda iska horkeenaya ee dibu-dhaca ku keenaya.

 

Ugu dambayntii Goluhu wuxuu baaq u soo jeedinaya ummadda reer Somaliland Guda & Dibadda, waxayna  ka codsanayaan  kuna adkaynayaan in taabogalinta iyo meelmarinta himmilooyinka Qaranka meel looga soo wada jeesto yar iyo waynba.

Dhinaca kalana beesha caalamka waxaan u shegayna in qarankani iyo ummaddiisuba u baahan tahay tageeradooda ,balse teegaradoodu  anay noqon mid ka soo horjeeda maslaxada, danta, rabintaanka, doonista shacbiga iyo jiritaanka madax-bananidda JSL.

 

Go’aamadani waxaa lagu ansixiyayay oo ogoladay 72 iyado tirada kooramku ahayd 77 waxa diiday2  waxaa ka aamusay 0 Gudoomiyuhuna ma uu coddayn.

 

 

 

NB waxaa ku lifaaqan halkani liistadii Guddigga ,xubnihii madasha fadhiga ka

qayb-galay.

 

 

               Allaa Mahadleh

 

 

Saxeexa Shir/Gudoonka

 

 

1- Sulaymaan Maxamuud Aadan Guddoomiyah G/Guurtidda JSL   ______________________

 

 

2- Siciid Jaamac Cali Guddoomiye ku-xigeenka 1aad G/G JSL           ______________________

 

 

3- C/raxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee G/G ______________

 

4- C/laahi Ibraahim Habane Xoghayha Guud ee G/Guurtidda JSL  

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here