Golaha Guurtida Oo Isniinta Fadhi Ka Yeelanaya Muddo Kordhinta Xukumadda iyo Wakhtiga Laga Cabsi Qabo Inay Kordhiyaan

0
964

Hargeysa, (HargeisaPress) — Golaha guurtida Somaliland ayaa Isniinta beri isugu imanaya fadhigoodii ay go’aanka kaga gaadhayeen muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici.

 

Guddiga ka kooban 28-ka xubnood ee golaha guurtidu saaray mawduucan ayaa maanta isugu imanaya fadhigoodii u dambeeyay, waxaanay diyaarinayaan talada ay Isniinta beri la hortagayaan golaha guurtida, ka dib markii ay kulamo kala duwan la yeesheen xisbiyada qaranka iyo guddiga doorashooyinka.

 

Xubnahan guddiga ah oo ay ku jiraan xubnaha shirguddoonka golaha guurtidu, ayaa beri golaha horgayn doona mudada ay u arkaan lagama maarmaan ee ay u kordhin doonaan Madaxweynaha iyo ku xigeenka, waxaanay u dhowdahay in gole weynuhu ku raaco talada ay soo jeediyaan.

 

Lama garanayo wakhtiga rasmiga ah ee ay golaha guurtidu Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ugu duugi doonaan, waxase jira warar sheegaya inay guddigu u badantahay inay soo jeediyaan inay kordhiyaan sannad iyo toban bilood, waxaanay mudadii ay guddiga doorashadu cayintay ku dari doonaan 10 bilood haddii ay sidan u dhacdo.

 

Fadhigan golaha guurtida ayaa ku soo beegmaya ka dib markii ay saddexda xisbi qaran ku guuldaraysteen inay wada jir u saxeexaan wakhti cusub oo ay golaha guurtida u soo jeediyeen inay u kordhiyaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, wakhtigaas oo ah November 15 2016, ka dib markii uu xisbiga Waddani shaki ka muujiyay saxeexa soo jeedintaas oo uu sheegay inaan golaha guurtida kalsooni laga haysan inay aqbalaan go’aanka xisbiyada qaranka.  Shacabka Somaliland iyo bulshada caalamka ayaa si weyn indhaha ugu haya go’aanka ka soo bixi doona golaha guurtida oo noqon doona laba mid. Inay muddo kordhinta ku jaan-gooyaan wakhtiga ay guddiga doorashadu u cayimeen inay doorashada ku qaban doonaan oo ah 1 June 2016 iyo inay wakhti dheeraad ah ku daraan.

Source: Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here