Golaha Deegaanka Laascaanood oo Maanta isku raacay in la Jabiyo Dhismayaal Sharci-darro ah + SAWIRRO

0
796

Laascaanood , (HargeisaPress) —Golaha deegaanka ee Magaalada Laascaanood ayaa Maanta isku-raacay in la baabiiyo dhismayaal ciriiri-geliyay jid loo qorsheeyay in la mariyo waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 4-km, taasoo la marinayo bartanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Kal-fadhi ay yeesheen Golaha Deegaanka ee Degmada ayaa Isku-raacay in 24-saac Kaddib ciddii baneyn wayda dhulka la calaamadeeyay la marin doono cagafyada Dowladda Hoose ee magaalada Laascaanood.

“Waxaanu Doonaynaa in aanu bilicda Magaalada iyo Nolosheedaba wax ka qabanno, sidaa darteed uma xanibnaanayno jiingad iyo bulukeeti si sharci-darro ah looga dhisay; waxaana ugu baaqaynaa inaanaan ugu imaan maalinta Axada ah,” ayuu yidhi Duqa Magaalada Laas-caanood, Cismaan Saleebaan Jaamac.

Deegaanka_Laascaanood_Sharci

Boqolaal qoys oo dan-yar ah ayay arrintan saamayn xoogan ku yeelaysaa, kuwaasoo goobo ganacsi oo sandaqado u badan ka dhistay waddadaas hareereheeda, mana jirto Digniin xilli dheer ah oo la siiyay, sida ay dadkani sheeganayaan toddobaadkii aan soo dhaafnay ayaa la calaamadiyay, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin in xilliga loo kordhioy.

Hadal-haynta waddadan ayaa bilihii lasoo dhaafay aan ka marnayn dhegaha dadka ku nool magaalada Laascaanood, iyadoo waddadan ay noqonayso waddadii ugu horreysay ee laami ah ee Laascaanood laga dhiso; marka laga reebo wadada dheer ee isku-xirta inta badan Gobollada Dalka.

 

 

Seynab Cabdi Warsame,Laascaanood 

 

LEAVE A REPLY