Golaha Amaanka oo isku raacay in la joojiyo Dhallinyarada ku biiraysa Daacish

0
988

New York, (HargeisaPress) — Golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobay ayaa isku raacay qaraar khasab ka dhigaya in dalalka caalamka ay ka hor-istaagaan muwaadiniin-tooda ku biiraya kooxda Daacish.

Madaxweyne Barack Obama oo guddoominayay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay khaasab tahay in dalalka dunida ku yaalla ay joojiyaan muwaadiniintood ku biiraysa kooxaha jihaad doonka ah iyo maalgelinta kooxahaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa ku baaqay in la helo dadaal caalami ah si loo kala furfuro kooxaha dagaallada wada oo uu ugu yeeray shabakadda dhimashada.

Maalintii labaad ayaa dalal Carab ah iyo Mareykanku waxay dalka Suuriya ka wadaan duqeymo ay la beegsanayaan kooxda Daacish oo qaybo ka mid ah dalalka Suuriya iyo Ciraaq ka dagaalamaya.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa isaguna xusay in Britain ay ka qayb-qaadan doonto duqeynta ka socota dalka Ciraaq ee ka dhanka kooxda Islaamiga ah ee loogu yeero ISIS ama Daacish.

Cameron wuxuu sheegay in berri oo Jimco ah uu isugu yeeri doono xubnaha baarlamaanka Britain si ay cod ugu qaadaan in Britain ay ku biirto dalalka ka wada Ciraaq iyo Suuriya howlgallada duqeymaha ah.

Barlamaanka Britain ayaa la sheegay inaan laga filayn inuu isku raaco inuu ka qaybgalo Birtain duqeynta Suuriya, iyadoo sababta lagu sheegay in horay uu baarlamaanku u diiday Britain sannadkii hore, inay Mareykanka kala qayb-qaadato tallaabo milateri oo uu qaadayo.

Hoggaamiyaasha caalamka ayaa ka qayb-qaadanaya shirweynaha Qaramada Midoobay oo ka furmay magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo lagu wado in madaxda ka qaybgalaysa ay badankoodu ka hadlaan amniga dunida.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here