“Gobollada ‘Land-ta’ La Raaciyay Waa Laba Gobol Oo Niman Ilmaadeer Ahi Maamulaan..” Xildhibaan Cumar Sanweyne

0
786

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland, xildhibaan Cumar Maxamed Sanweyne, ayaa masuuliyiinta arrimaha dibadda Somaliland ugu baaqay inay ku baraarugaan in Somalia laga sameeyay gobolo magacooda lagu daray “Land” ujeedkooduna tahay in dunida lagu jaahwareeriyo.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in ujeedka gobolo xidhiidh ehel ka dhexeeyaa damacsan yihiin in dunida ay u tusaan in Somaliland la mid tahay gobolada xukumadda Muqdisho hoos taga, sababtaasina tahay ta ay ula baxeen magaca Somaliland lagu arbushayo.

“Waxaan maqashaan Puntland, waxaad maqashaan Jubbaland, Land kalmadda la yidhaahdo oo la raacinayo gobolada. Somalia gobolo badan baa laga sameeyay, xubin iyo xeeb baad maqasheen, Galmudug ayaad maqasheen, gobolada dhexe ayaad maqasheen, jubbada hoose ayaad maqasheen mid qudha oo Land la raaciyayna ma jirto,” ayuu yidhi Xildhibaanka oo xafiiskiisa saxaafadda kula hadlay.

Xildhibaan Sanweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Labada gobol ee Land-ta raaciyay(Puntland iyo Jubbaland), waa laba gobol oo laba nin oo Ilmaadeer ahi maamulaan, marka aad dunida martu way ku wareersan yihiin oo waxan oo land ahi waa maxay ayay leeyihiin.”

Waxa uu xildhibaanku arrintan ku macneeyay mid dunida loogu tusayo in Somaliland la mid tahay maamuladooda laguna indho sarcaadinayo “Waa wax loogu talo galay in Somaliland lagu arbusho oo aduunyadana lagu arbusho. Waxaan jeclahay in siyaasiyiinteena arrimaha dibaddu ay ogaadaan,” ayuu yidhi Mudane Cumar Sanweyne.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in guddida uu hogaamiyaa maalmaha soo socda u bixi doonaan goobaha dakhli soo saarka ee Somaliland, kuwaasi oo ay kormeeri doonaan hanaankooda shaqo. Waxa uu ugu baaqay dadka hawshaasi gacanta ku haya in guddidu u iman doonto. Waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dad xaasaasiyad ka qaba guddida oo aan macluumaadka ay rabto siin kolkay bookhdaan, isagoo ugu baaqay in guddida la shaqeeyaan.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here