George Weah Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxweynaha Liberia

0
1179
George Weah

Monrovia , (HargeisaPress) —Ciyaar yahankii caanka ahaa ee kubadda  cagta George   Weah ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimadda ee dalka Liberia oo ku yaalla gelbeedka qaaradda Afrika.

Guddiga doorashooyinka ee Liberia ayaa shaaciyay in George  Weah uu helay 61.5% cododkii la dhiibtay wareegii afraad ee doorashadda madaxweynenimadda oo dalkaasi ka qabsoontay todobadkan.

Halka  musharaxii la tartamayay Joseph Boakai,  isna uu helay 38.1%. sida laga soo xigtay guddiga doorashadda.

Doorashadda madaxtinimadda Liberia ayaa soo martay dhawr wareeg, iyadoo dhawr musharaxna ay markii hore ka qayb qaateen tartanka.

Hasaye yeeshee waxaa wareegii afraad ee ugu danbeeyay ku tartamay  George  Weah  iyo  Joseph Boakai, kaasoo 12-kii sanadood ee u danbeeyay madaxweyne ku-xigeen ka ahaa dalka.

Former footballer George Weah

Mr Weah,  oo  da’diisu  tahay 51 jir   ayaa hore u ahaa  ciyaar yahan kubbadda cagta ah aad caan uga noqday aduunka. Waxaana sanadkii 1995-kii ururka FIFA u aqoonsaday ciyaar yahanka sanadka.

George Weah, ayaa la filayaa in uu bedeli doonno gabadha magaceedda la yidhaahdo Mrs Ellen Johnson Sirleaf,  oo dalka Liberia madaxweyne ka noqotay sanadkii 2006-dii.

Iyadoo  ahayd  gabadhii u horaysay ee si dimoqraadiya loo soo doorto oo dal Afrikaana madaxweyne ka noqota.

Dhinaca ninkii George Weah la tartamayay ayaan weli la ogayn in uu aqbalay iyo in kale natiijadan ay guddiga doorashooyinku caawa ku dhawaaqeen.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY