Garashada Waxa Xun Iyo Oggaalka Waxa San By: Mohamed Hagi Mohamoud

0
1137
Mohamed Hagi Mohamoud

HargeisaPress —Cilmiga Theology waa cilmi maaddi ah oo lagu barto diimaha iyo waxa ka dhexeeya aadamaha. Waa cilmi falsafad ahaan aad u weyn oo cilmiyo waaweyn oo maanta adduunka laga isticmaallaa ay ka soo farcameen. Innagu se sharaxaad badan u galimeyno cilmiga laftiisa oo qaybo badan u kala baxa. Laakiin, waxa aynnu xoogga saari doonaa farqad ka mid ah, oo si weyn  Cilmiga Siyaasadda loogu isticmaallo, ahna qaybta Ponerology.

 

‘’PONEROLOGY’’ Waa Cilmi ku hoos jira kana mid ah Cilmiga THEOLOGY ga la yidhaa. Waxa uu Cilmigani lafa-gurraa oo lagu darsaa nooc wal oo xumaani tahay. Gaar ahaan dhinacyada bulshada iyo dawladnimada. Marka aad Somaliland ku dabaqdo, waxa ugu weyn ee ‘’Political Psychopath’’ ama Waali-Siyaasaddeedka ahi waa is-dhex-yaac iyo dawladnimo aqoon daro baahsan oo dadka iyo siyaasadda noloshoodaba ka muuqata.

 

Waa na sidaa sida aan u qabo in uu meesha ka maqan yahay fahamka iyo aqoonta-garasho ee waxa xun lagu cabbirro. Oggow hadda wax wal oo xun qofna in uu qaato ma oggola, in isaga xumaan gaar ah lagu sheeggana ma oggola! Haddaa maxaa si ah?

 

Waxa si ahi waa in xumaantii iyo hungurigii is dhex galeen oo noloshii loo arkay in wax xun lagu macaashi karo kaliya. Waxa mucjiso ah in waxa xun ee mudan in laga xishooddo uu dadka badankiisa ula muuqdo wax lagu macaasho.

 

Xumaantu meel walba in ay gashey ayaad moodaa. Gaar ahaan ganacsiga, siyaasadda, xaqsoorka, diinta, qabiilka, Dhaqanka, saxaafadda iyo macaamilka bulshada ba. Haddaba bal aan mawaadiicda kor ku xusan aan hal hal u dul istaagno, iyada oo aynnu la sharaxeyno sida ay xumaantu u gashey ee u dhalan rogtey:-

 

Ganacsiga

Marka aad eegto sida xumaantu ganacsiga u gashey, waxa aad arkaysaa in faa’iido doon kaliya ganacsigu noqday iyo dhiig-miirrad. Ganacsaduhu waxa ugu haboon ee ay tahay in uu ku fekerro waa in qofka wax ka iibsanayaa haddii uu faqriyo ama uu bukoodo in ganacsigiisa faa’ido doonka ahi aannu sii waari karahaynin.

 

Nasiib daro se, taa ma ogga oo waxa ka maqan garashada waxa xun ee u xun ganacsigiisa oo ah in uu waayo macmiilkiisa. Waxa na taa cakiskeeda aad arkaysaa ganacsadihii oo badeecad dhacday ama dawo iyo alaab tayo daran haddana qaali ah ka iibinaya bulshadiisa. Ma ogga xumaanta ah haddii uu macmiilku faqriyo ama uu bukoodo in ay isaga u xuntahay oo ay ganacsigiisa khasaare ku keenayso.

 

Siyaasadda

Siyaasadda xumaan badan ayaa gashey oo keentay damiir xumo. In wax la xaddo, musuq la sameeyo, awoodda dawladnimo tacaddi looga faa’ideysto, dadka na lagu dhibbo oo aan marnaba ahayn wax wanaagsan. Haddii cadaaladda laga tago, sidoo kale na waajibka ah in dadka wax loo qabto oo noloshooda kor loo soo qaado la inkiro waxa ka iman karta xumaan.

 

Waxa aad moodaa in xumaantaa aanney siyaasaddeenu fahmin, waa na xumaanta ah in la baa’ba’o oo la is qabsado oo madaxa dhulka la isku la dhaco. Dawladnimada waxa baa’bi’iyaa waa xumaanta. Haddii aan la fahmin xumaantaa, waxa ay dalka ku keeni kartaa khasaare naf iyo maalba galaafta, waxa kale oo ay meesha ka saari doontaa wax taransiga iyo in caqabad nooc ay tahay ba laga gudbo si miyir qab ah.

 

Xaqsoorka

Xaqsoorka xumaantiisu waa in runta la xukumi-kari-waayo. Iyada oo laga cararrayo waaqaca iyo xaqiiqada jirta. Isla markaana, beenta loo irkado oo ah xumaan wax keeni kara. Haddii beenta loo adeegsado in lagu naas-nuujiyo qaraabo-kiilnimo iyo eex joogta ah. Waxa ay keentaa xumaan sababbi karta in la kala aamin baxo, oo nin ba ninka uu ka xoog roon yahay dhakada ka fuullo.

 

Waxa se xumaanta noocan ah ee garsoorka lagu sixi karaa waa in la helo hoggaamiye daacad ka ah dhismaha cadaaladda oo sharci la waafajinayo. Nidaam kani waxa uu horseedi kara in loo sinnaado nolosha iyo khayraadka dalka iyo wax-soosaarka ummadda (distributional concept).

 

Diinta

Diintu waa dhaqanka ugu weyn ee ummaddeenu ka midaysan tahay. Waxa aynnu nahay ummad Islaam ah 100%. Diinta Islaamka awow-yaasheen waxa ay u qaateen wanaag ay diinta ka fahmeen kuna arkeen in ay tahay meel lagu badbaadi karo if iyo aakhiro ba. Wanaaggii diintu ay lahayd ee lagu doortey ma aha mid is baddelay, oo diintu ma aha mid baddelanta. Laakiin waxa xusid mudan in wadaadku yahay cidda diinta  hoggaamineysa.

 

Habaarka ugu weyn ee ummadda ku dhacay, waa in wadaadkii dabciyan adduunyada maal-jeclaysigu baddelay. Halka ay wax ka xumaadeen ma aha diinta ee waa wadaadka. Nasiib daro se, haddii wadaadka wax ka xumaadaan waxa ugu horeysa ee uu kula soo galgalanayaa waa wixii uu masuulka ka ahaa ee uu bartey oo ah diinta, dadkuna ay ku aaminsanayeen, iyada ayaanu wax ka xumaynayaa.

 

Maanta wadaadku waa ganacsade ganacsigiina wax badan oo xumaan ah ayaa ku jira, waa siyaasi oo in badan oo wadaado ah gaar ahaan urruro u badan ayaa siyaasadda Soomaalida ku jira, waa dilaal oo meel wal oo wax lagu kala iibsanayo isaga ayaa dhex-taaggan, waa garsoorre oo Maxkamaddo ay leeyihiin baa jira, waa basaas oo qaar badan oo wadaaddo loo haysto oo dano shisheeye u adeega ayaa jira.

 

Basaasnimaduna waa intaa kaliya in aad dalkaaga iyo ummaddaada aad ka door bido u adeeggida cid kale, waxa aad doonto aad ka heshid eh.  Xumaantaa wadaadku waxa ay kalifeysaa in diinta oo tiirka ugu weyn ah laga aamin baxo. Sida ka dhacdey dalal badan oo adduunka ah. Sida Soomaaliya oo jaar aynnu nahay, Iraq, Syria amaba Turkey oo ilaa iyo hadda cabsida ugu badan laga qabo diinta Islaamka marka shacabka la eeggayo.

 

Cid wadaad u muuq eeg ayaa la shaqeysaneysa Reer Galbeed, qaxineysa ummadda, ka shaqeysaneysa oo in ay xukunto ku dileysa. Waxa taa markhaati innooga ah Syria iyo Ciraaq. Dhanka kale na Turkey oo dawlad diinta aad ugu dhawi maamuleyso waxa looga taag la’yahay dadkeedii oo cilmaaniyad faqri badan ku haysey muddo dheer ka door bidaya ragga diinta aaminsan ee dhaqaalaha dalka na wax ka qabtey waa Xisbiga siyaasiga ah ee talada haya ee AK eh. Cabsida cilmaanniyada keentay waxa abuuray wadaad seef la bood ah, oo cid kale wadato oo dad iyo duunyo ba argagax galiyey. Wadaad oo dhami se sidaa ma aha oo in wanaagsani waa ay jirtaa oo diinka Alle ku taaggan. Waxa se qarqiyey tiro badan oo cirsan-ka-yeedh ah oo ujeed-koodu yahay mid ka gun dheer fiirrada qofka caadiga ah ee aan xiskiisa naqdigu ku yar yahay.

 

Aqoon-yahan

Aqoon-yahan waa qof saddex ammuurrood kulansadey, saddex kale na adeegsadey:-

 

Hal-abuur curin kara fikir ummaddi ku naajixi karto ama dhib kaga bixi karto. Heli kara dhib xididkeedu dheer yahay oo waayo badan manfac u diiday ummad dhib ka bixi kari waydey. Xallili kara maroorradilaac ummaddeed, kuwaas oo u tasoobay miciin cid garasho iyo faham ku dhaanta caawi-madood.

 

Si uu arrimaha kor ku xusan u xaqiijiyo, aqoon-yahan waa qofka adeegsada saddexdan ammuurrood:-

 

Daraasadeyn dhib jirta, iyada oo maanku u shaqeeyey si ka fog rabista nafta iyo dannaha cid kale, (researching rationally through critical analysis). Yaqaan dhaqannada aadamaha iyo duruufaha waayuhu keeno, isaga oo bartilmaameed sanaya dhib iyo xalkeed dheeftuna in la naajaxo iyo oggaal korodhsi tahay (ontological and epistemological assumptions). Tijaabiyey oo haddii ay qoloocato toosin kara, haddii ay dheellidana tiirrin kara, oo dhankay u baydhaba duwi kara (repressive hypothesis and the symbolic violence of the field, habitus and the capital ‘Foucault and Bourdieu synthesis’).

 

Aqoon-yahanka maantu ma aha mid intaasi ay haggayaan eh, waa mid bulshada caadiga ahi ka xoog-roonnaatey oo dhankii la doonaba loo duway. Waxa uu noqday oo laga dhigtey Buug Buug sita, waxa uu ku fashilmay in uu ummaddiisa wax ka baddello xumaanta na la dagaallamo. Taa cakiskeeda waxa ku adeegtay siyaasi qabiil wata iyo Caaqil ama Suldaan la macaasha siyaasiga daneystaha ah. Aqoontu waa indhaha ummadda, haddii ay shaqeyn waydo waxa hubaal ah in darbi kasta laga soo go’ayo. Waa na ta maanta haysata meello badan oo farsamo xumo dawladdeed ragaadisay. Xumaanta aqoonta gashey waxa ay dhaqan gadiday habsami u socodkii dawladnimo, ganacsi, wax-barasho iyo jidkii horumarka ee loo irkan lahaa in iyada laga ga baxo waa aqoonta eh.

 

 

Qabiilka

Qabiilka Illaahay baa Qur’aankiisa ku sheeggay, wanaag badan ayuu leeyahay oo xalaalnimada qof ilaalinteedu iyo nasabbaddu kaw ka tahay. Laakiin, qaabka aynnu u adeegsaney ma aha qaab wanaagsan. Qabiilka Somaliland waxa lagu dhistey dawladnimo, waxa lagu heshiisiiyey beellaha Somaliland wada leh, wax baa lagu qaybsadey salluuga ay doonta ha lahaato eh, nabad-galyada maanta aynu ku naallooneyno waxa saldhig u ah qabiilka.

 

Laakiin, qabiilkii waxa loo baddelay qabyaalad, waxa ugu horreeya ee adeegsadey waa siyaasi ku fashilmay hawshii qaranku u igmadey oo oday dhaqameed la heshiiyey. Dabadeedna si dhib yar isku waaley oo qabyaalad jeebka kala soo baxay kuna kala qaybiyey dadkii jilicdasanaa ee rajada ka filayey siyaasiga. Waa markaa marka ay qabiilkii xumaadey ee uu meel walba ka dhex hadley. Qabiilka wax ka wanaagsani ma jiro marka nabad lagu dhisayo ama gayaan is-guursada lagu unkayo. Haddii se uu xirfad noqdo sida hadda uu yahay, waxa uu keeni karaa burbur iyo dib u dhac siyaasaddeed, bulsho mid amni iyo mid dhaqaale ba.

 

Dhaqanka

Marka laga tago diinta iyo waxa ay ummaddu aaminsan tahay, dhaqanku waa tiirka hab-nololleed ee ummadda. Sida habka ay u fekerto, habka ay u tashato, isku saamaxdo, u collawdo, u heshiiso, isku caawiso u kala aar-goosato, u kala guursato una macaamisho. Dhaqanka noocaas ah waxa hoggaamiya ma aha diinta ee waa afka ummadda oo keenaya sida loo fekerrayo. Haddii korniinka afku hoos u dhaco, isla markaana kalimaad badan oo kale ay nolosha caadiga ah ee ummadda lagu isticmaallo.

 

Waxa hubaal noqon kara xumaanta ah in ay dhaqan doorsoonto oo ay baddelanto. Dabadeedna ay candha-dhexe ku dhacdo oo dhannaba raaci weydo. Dhibka ugu weyn ee maanta Soomaali haystaa waa af-gadoon xoog badan oo aan aqoon ku saleysneyn oo soo dhex galay. Tiirka kale ee xumaanta ku ah dhaqanku waa hoggaanka dhaqanka oo qabaa’il ka turjumayey oo sicir-barar ku dhacay aad na u fasakhmay.

 

Saxaafadda

Saxaafaddu waa astaanta cadaaladda iyo hiilka miskiinka. Waa ilaaliyaha hantida iyo qadiyadda ummadda. Waa indhaha iyo garaadka dadweynaha. Waa qaabbeeyaha hab-fekerka bulshada. Waa dhakhtarka iyo daweeyaha xumaanta nooc ay doonta ba ha noqoto eh, waa na aalladda kaliya ee tooshka ku ifisa wax wal oo xun.  Intaa wax ka wanaagsani ma jiraan. Nasiib daro se, intaa maanta midna ma aha eh, waa cakis ka iyo dhanka maqaluubka wax wal oo lagu yaqaanney.

 

Saxaafaddu waxa ay ka mid noqotey xumaanta ummadda, waxa ay weyday shuruucdeedii hab maamul, waxa na ay u dhuratey hunguri iyo qabyaalad. Waxa se nasiib daro ah, in ay ka dhib badan tahay dhamaan inta aynnu kor ku soo sheegnay. Xumaanta saxaafaddu haddii aan dawo dhakhso ah loo helin waxa ay saameyn taban ku yeellaneysaa hab-fekerka waxyeello-keenka ah ee ummadda.

 

Dhamaan waxa xumaan ah ee nolosha ummadda saameynta ku leh ee aan kor ku soo sheegay sida siyaasadda, qabiilka, wadaadka, xaakinka, hoggaanka dhaqanka iyo ganacsadaha ba waxa ceebtooda qariyey waa saxaafadda. Haddii se ay runta ka sheeggi lahayd waxa jira dhibku halka uu maanta gaadhsiisan yahay ma noqdeen mid soo gaadha oo ayaan-darada muuqata ma jiri karteen.

 

In xumaanta la darso oo la barto, isla markaana la oggaado waxa ay haleyneyso waa laga ma maarmaan. Sida kaliya ee maanta xumaanta meel walba gashey looga badbaadi karaa in ay sahayato nolosha jiilasha soo socda waa, in la helo hoggaan sax ah oo garan kara labada ammuurrood ee lagu saxo xumaanta. Nidaamka dawladnimo waxa lagu hagaajin karaa dhamaan xumaanta aan kor ku soo sheegnay oo dhan. Waxa se kaliya hagaajin kara qof aqoonteeda leh. Waxa lagu saxo xumaanta waxa aan ku sheeggi doonaa maqaallada dambe ee taxannaha ah.

 

Guntii iyo gunnaanadkii, In tiirrarkii nolosha ee bulsho iyo tii dawladnimo ay xumaan gashey waa mid la isla garan karo (common sense). Laakiin, waxa kaliya ee lagu baajin karaa waa in shuruuc iyo qawaaniin adag oo sharci ah loo sameeyo. Aadamaha kaliya waxa damaciisa joojiyaa waa baqdinta maskaxda iyo jasmiga, oo u baahan in xeerrar xakameeya loogu ladho (physical and psychological coercions). Marka uu oggaado ciqaabta ay leedahahay oo dawli ah ayaa ugu horeysa in uu ka joogsado xumaanta.

 

Waxa se hubaal ah in xumaantaas oo dhan laga ga bixi karo siyaasad dawladdeed oo cad isna markaana u taaggan in ay midho manfac leh dhasho. Waxa se aanney marnaba ka fursaneyn in la helo hoggaamiye waddani ah, oo dadkiisa iyo dalkiisaba jecel. Hoggaamiye taariikhdu wax ka qorayso oo aan ahayn mid daba keen ah. Ummad waliba waxa ay leedahahy taariikh cad  iyo mid madow. Taariikhda caddi waa ta nabadda horumarka iyo noollaynta bulshada iyo dalka. Halka taariikhda madoobi ay tahay dhib kasta oo ummaddu hore u soo martey iyo wax wal oo kale oo ka xumaaday khasaare naf iyo maal na u gaystey.

 

Hoggaamiyaha la dooranayaa waa in uu ahaado mid dhib iyo dheefba ku la qaybsadey. Kula jooggay xilligii kadeedka oo aan meel na kaaga maqneyn. Waa kaa ka yaqaan waxa kaa qaldan ee noloshaada ku dhex jira. Waa hoggaamiyayaasha ummaddaha horumaray ay dhibta isaga saarreen. Hoggaamiyaha wax soo kordhin karaa waa in uu yahay mid kula taariikh ah, kula caaqiido ah, kula feker ah, kula xannuun ah. Isla markaana, aad wadaagtaan waayaha kugu geedaaman iyo nolosha ku hareerataal oo dhan.

 

Yaanu noqon mid kuu soo dalxiis tagey, oo aanney carruurtiisu la waayo-ahayn ku-waaga. Mid carrari kara haddii ay xumaato, mid ay u bannaan tahay meel uu ku baxsadaa. Ku dadaal in uu noqdo mid laba wax kaliya ku wanaagsan, hoggaamin hal adayg leh iyo go’aan qaadasho mudakarnimo leh.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com

LEAVE A REPLY