Ganacsatada Somaliland Oo Door Weyn Ka Qaatay Shirkii Guulaha Horumarka Somaliland 27 Sano Kadib + SAWIRRO

0
1856

Hargeysa, (HargeisaPress) –Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay ku qabatay Hudheelka Grand Hadi ee Magaalada Hargeysa 10-11-kii bisha October shir heer caalami ah oo ay ka soo qaybgaleen ergooyin ka kala socday 28 wadan oo qaaradaha adduunka ah,  goleyaasha qaranka, xisbiyada qaranka, aqoonyahanka dalka, ururada bulshada, ganacsatada, hay’adaha caalamiga ah iyo dhinacyo kale. Shirkan loo bixiyay “Guulaha Horumarka Somaliland iyo Caqabadaha weli jira 27 sano kadib,” kaasoo uu furay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi. Shirkan oo lagu lafa guray mudadii uu socday qodobo badan oo siyaasi ah kuna qotomay dadaalka ictiraaf raadinta qadiyadda madaxbanaanida iyo geedi socodka horumarka guud ee qaranka JSL, waxa sidoo kale qayb ka ahaa shirkan labada maalmoodba bandhig carweed ganacsi iyo waxsoosaar oo shirkado badan oo ganacsiyo kala duwani ka soo qaybgaleen.

Qabanqaabada bandhigan oo  gaar ahaan Hay’adda Qurbajooggu u qaabilsanayd Wasaaradda ayaa shirkado badan oo isugu jira kuwa warshadaha waxsoosaarka dalka sida sharaabka, cuntada, buushka, saabuunta, marmarka iyo agabka dhismaha, fadhiyada iyo agabka qurxinta guryaha, furshaanta, shirkadaha waxsoosaarka  khayraadka macdanta oo iyaga ay hormood u ahayd Wasaaradda Khayraadka Tamarta & Macdanta, shirkadaha khayraadka kalluumaysiga, xabkaha iyo faleenka, waxsoosaarka xoolaha ee caanaha geela iyo hargaha adhiga, dalagga beeraha, udugga dadka, guryaha iyo xafiisyada, qaarka mid ah shirkadaha farsamada dharka iyo kabaha, agabka hiddaha iyo dhaqanka ee dharka, weelka iyo noocyada kaleba leh, shirkadaha ka shaqeeya tamarta, xirfadleyaasha farshaxanka sawirada, sidoo kale shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta, bangiyada lacagta, shirkadaha caymiska,  qaarka mid ah shirkadaha socdaalka iyo dalxiiska. Waxa aan dhiirrigelinnay wixii waxsoosaarka dalka ah oo carwaduna u badnayd balse waxa sidoo kale ka soo qaybgalay qaarka mid ah shirkadaha iyaguna ka ganacsatada badeecado kale iyo adeegyo aas’aasi ah oo shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalahaba kaalin weyn kaga jira.

Ujeedada carwadani inta badan ma ahayn mid ganacsi balse iyadoo qayb ka ah shirkan caalamiga ah, waxa aan uga jeednay qaran ahan inaan soo bandhigno oo aan muujinno waxsoosaarka dalkeenna iyo waxa aan qabsannay gaar ahaan xagga waaxda gaarka ah (Private sector) mudadan 27-ka sano ah ee aan dib ula soo noqonnay qaranimada Somaliland.  Ku dhawaad 100 shirkadood oo isugu jira ganacsiyadaas sare iyo noocyo kaleba oo muwaadiniin dalkooda jecel ah ayaa si weyn ugu soo bandhigay waxsoosaarkooda iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka ka qabtaan.

Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr Sacad Cali Shire oo isagu xadhiga ka jaray carwadan, ayaa wakhti saacad iyo dheeraad ah dhex marayay carwada maalintii koowaad isagoo mid mid isu dultaagay oo gooni gooni  uga dhagaystay ganacsatada warbixino la xidhiidha waxsoosaarkooda iyo/ama adeegyada ay qabtaan, isla markaana su’aalo ka waydiinayay dadka ganacsiyadooda. Wasiirka oo isha la raacayay ama u kuur galayay gaar ahaan badeecadaha la soo bandhigay ee waxsoosaarka dalka, ayaa qaar badan oo ka mid ah ganacsatada usoo jeedinayay inay magaca shirkadooda iyo ka dalkaba ku suntaan badeecadaha ay soo saaraan (First brand your product with your company name, and then the origin country, made in Somaliland). Wasiirka ayaa aad uga mahad celiyay dhammaan ganacsatada ka soo qaybgashay carwada doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen shirkan. Gddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) ayaa isaguna uga mahad celiyay shirkadaha kala duwan ka soo qaybgalkooda shirka iyo bandhigga carwadan oo aan la’aantood qabsoonteen. Qaar badan oo ka mid ah ergooyinkii ka soo qaybgalay shirka ee ajaanibka iyo muwaadiniintaba lahaa ayaa iyaguna booqanayay carwada oo aad ugu bogay, qaarkoodna waxka iibsanayeen badeecadaha wadaniga ah ee la soo bandhigay.

Dhinaca kale, Telefiishanka Qaranka JSL, iyo warbaahinta madaxabannaan ee idaacadaha maqalka iyo muuqalka ah, mareegaha iyo wargaysyadaba qaarkood ayaa iyaguna door  muhiim ka ciyaaray carwada Bandhigga Guulaha Horumarka Somaliland iyagoo labada  maalmoodba shakshi shakhi uga qabanayay warbixinaha, isla markaana si dhamaystiran u baahiyay wararka iyo barnaamijyada ay ka diyaariyeenba.

Inkastoo mudada qabanqaabada iyo mudada ay socotayba aad u koobnayd, hadana ka sokow ujeedooyinka aan ka lahayn ee shirka, waxa ay sidoo kale u ahayd shirkadaha isugu yimi fursad ganacsi, kulan furan oo is barasho iyo kala faaiidaysi leh, iyo weliba fursad ay isku muujiyeen ganacsatadu oo soo bandhigeen waxqabadka ganacsigooda. Waxa muuqatay inay ganacsatadu jecel yihiin in bandhigyada noocan ah iyo carwooyinka ganacsi la soo celceliyo si loo dhiirrigeliyo ganacsiga dalka.

Gebogebadii, waxa aannu  aad iyo aad ugu mahad celinaynaa dhammaan shirkadihii kala duwanaa ee reer Somaliland ee nagala soo qaybgalay Bandhigii aan ku taageernay Shirkii Guulaha Horumarka Somaliland 27-sano kadib kuwaasoo aan bogaadinayno doorkooda waxqabad iyo dareenkooda muwaadinnimaba.

GANACSATADA ka soo qaybgashay bandhigaas Guulaha Horumarka Somaliland ee warshadaha, shirkadaha waxsoosaarka macdanta, shirkadaha cuntada dalagga beeraha iyo caanaha geela, shirkadaha beeyada iyo kalluumaysiga, shirkadaha dharka, farsamada dawaarka iyo agabka sharraxaadda guryaha, shirkadha alaabta hoose ee guryaha sida fadhiyada iwm, shirkadaha Isgaadhsiinta, bangiyada iyo caymiiska, shirkadaha diyaaradaha iyo socdaalka, shirkadaha daabacaadda, shirkado kale iyo Xarumaha, kuma ay koobnayn inta halkan ku magacaaban balse waxa ka mid ahaa ganacsatadaas sharafta leh:  

Zamzam Foster, Ilo Taango,  Sovoco for sunflower oil,  Shaam Factory for marbles, Tayo detergent, Tayo Plastic factory Ileys enterprise for detergents, Nuuriye for napkins, Sugan Corporation for local-made shoes, AL Khayraad Factory for mattresses, Raasamaal tiles, Mandar for sesame oil, Idil, AL-Manal furniture home decorations, AL Manar,  National Furniture Workshop, Badar Mining, Siimoodi Mining, AL Nujuum Mining, Hana Mining, Somaliland Mining, Tawfiiq Mining, Mahiigaan Mining, Tacab Wadaag Mining, Mama Mining, Saba Mining, Haldoor Gemstone, Hirad Minerals, Baki Mineral Resources, iyo Wasaaradda Macdanta oo hoggaaminaysay, Magan Food, Halwo Palace, Amarre Organic Farm, Barwaqp Farmers, Bulaale Farmers, Ceel Bardaale Farmers, Baki Agricutural resources, Qabhribahar farmers cooperative, Hiigsi Agriculture Service, Wadajir Gums Trader, Asli Mills, Pure Living Company, Deegaan Enterprise, Warsan Company, Khadrina Style, SSF. Naciima Designs, A Interiors, Golden Rose, Ammaan System, Fly Dubai, Air Arabia, Horn Travel Agency, Baasha Travel Agency, Kaafi Travels, Sahal Transport and Logistics, Dahabshiil, Somtel, Telesom, Somcable, Premium Bank, Daarasalaam Bank,  Takaaful Insurance, Horn of Africa Insurance, Hass Petroleum, Rayxaan fragrance & air freshness, Uban inspire and fitness Center, AL Baraka Construction Company, Rio Architects, Xarumaha Dhaqanka ee Saryan Museum iyo Qaali Ismaaciil,  Somsite, Dheeman Printing, Sagaljet Printing, Astaan Cable TV, Hego Dental Clinic, Palm Pharmacy & Clinic, iyo qaar kale oo badan.

 

SOURCE:  Somaliland Diaspora Agency

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

Hargeisa, Republic of Somaliland

Tell: 520485 (Office line)

www.somalilandmfa.com, sldiasporaagency@gmail.com

www.sldiaspora.org

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here