Ganacsade Xaaji Baxsane oo Deegaanka Arabsiyo Casuumad ugu Sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE iyo Siyaasiyiin Wehelinayey + SAWIRRO

0
2728

Arabsiyo ,(HargeisaPress) — Ganacsadaha caanka ah ee reer Somaliland Xaaji Axmed Daahir Baxsane, ayaa casuumad ugu sameeyey deegaanka Arabsiyo ee Gobolka Gabiley Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi maanta.

Casuumaddan oo ka dhacday beer wayn oo ku taal deegaanka Arabsiyo waxa Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi ku wehelinayey masuuliyiin iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin; Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir, Maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Soltelco, Xoghayaha Abaabulka xisbiga KULMIYE Md. Cabdikariin Xinif, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, siyaasiga Axmed Muumin Seed, dublamaasiga Axmed Xasan Cigaal iyo Agaasimaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh, iyadoo dhanka kalena ay goob-joog ahaayeen odayaasha waawayn iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka Arabsiyo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here