Ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey Dadka Abaartu Saamaysay Ee Degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer + SAWIRRO

0
1025

Dhoqoshey, (HargeisaPress) — Ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey dadka abaarta ka soo doogay ee deegaanka degmada dhoqoshay ee gobolka Togdheer.

Raashinka deeqda ah ee uu ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray gaadhsiiyey dadka deegaanka degmada Dhoqoshey  oo loogu tala galay qoysas gaadhay 200 qoys ayaa ka koobnaa Bariiq, Daqiiq, Sonkor, Saliid iyo Timir ayey si weyn ugu diirsadeen dadkii loo qaybiyey.

Munaasibad lagu qaybinayey deeqdan raashinka ah ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka degmada, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka, culimo awdiin iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha guddida qaybinta raashinka ee uu soo wakiishay ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray oo ka hadlay raashinka ay gaadhsiiyeen dadka degmada Dhoqoshay ayaa sheegay in raashinkani qayb ka yahay gargaarka uu ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray ugu tala galay inuu gaadhsiiyo dadkii abaartu saamaysay, waxaanu xusay inay deegaano kalana ka qaybin doonaan.

Jaamac Ibraahim oo ka mid ah guddida abaaraha ee degmada Dhoqoshay oo isaguna ka hadlay deeqdan raashinka ah ee la soo gaadhsiiyey ayaa waxa uu uu u duceeyey ganacsadihii soo gaadhsiiyey deeqdan.

 

Oday Cabdi Seed oo ka mid ah wax garadka degmada Dhoqoshay oo isaguna ka hadlay deeqdan raashinka ah ee la soo gaadhsiiyey ayaa u mahad celiyey cid kasta oo ka hawl gashay in si hagar la,aan ah lagu soo gaadhsiiyo raashinkan.

Sidoo kale xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka iyo maamulka degmadaasi oo iyaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey deeqdan raashinka ah ee uu soo gaadhsiiyey ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY