Gacan-haadiskii Iran,Garbasiinta Jabuuti iyo Gabaara-gurdeyska Marykan

0
1045

Dabayaaqadii todobobaadkii hore ayay  ahayd markii waddanka Jabuuti marti geliyey  tiro hogaamiyayaal barlamaanada dalal kala duwan si ay uga qayb galaan xaflada furitaanka dhisme cusub oo loo bineeyay Barlamanka wadankaas.

Wufuudii martiqaadkaa ka qayb galay wax aka mid ahaa gudoomiyaha baarlamanka waddanka Iran Cali Laarajani oo kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,dhigiisa Jabuuti Idiris Aranaa’ud Cali iyo weliba hogaamiyayaashii barlamaanada dalalka kale ee Jabuuti marti qaaday.

Gudoomiye Laarajani ayaa markii uu Jabuuti soo gaadhay  ku tilmaamay  jabuuti Dal ah [Saxiib iyo Walaal] wuxuuna ku baaqay in la sii xoojiyo xidhiidhka labada waddan isla markaana kor loo qaado iskaashiga dhinaca dhaqaalah iyo ganacasiga.

Sidaa si la mida dhinaciisa Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna xusay rajada wanaagsan ee uu ka qabo in kor loo qaado  xidhiidhka iskaashi ee labada Dal Jabuuti,Iran oo lagu daray Soomaliya.

Laba maalmood ka dib markii uu ku laabtay dalkiisa gudoomiyaha baarlamanka Iran waraysi uu siiyey warbaahinta wuxuu  ku sheegay xidhiidhka laba geesoodka  ee Jabuuti  oo ah Dal ku yaal gobol xasaasi ah inay tahay qiimo weyn,isla markaana labada wadan ku naaloonayaan wada yeelashada  iskaashi  siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Wuxuu kale intaa ku daray  Gudoomiye Laarajaani in wada hadalkii uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti ay iskula soo qaadeen sii balaadhinta xidhiidhka labada wadan iyo ka hadalka arimo muhima oo gobolka khuseeya,arinkan ayaa laga dheehan karaa inay jirto danayn iyo debec dalka Iran ka muujiyey siduu u doonayo galaangal uu ku yeesho mandaqada geeska afrika.

Laarajaani ayaa sidoo kale sheegay inuu kulamo la yeeshay gudoomiyayaasha Barlaamanada wadamo kale(si ay isu weydaarsadaan argtiyaha waxyaabihii ugu danbeeyay ee ku soo kordhay Gobolka)

Marka aynu hadaba intaa ku dhaafno booqashada Mr Laarajaani ee Dalka Jabuuti,maaha markii ugu horaysay ee labada Dal uu dhex maro xidhiidh is booqasho,hase ahaatee sanadii 2006 ayay ahayd markii Madaxweynaha Jabuuti booqday waddanka Iran ka dib markii uu casumaad ka helay dhigiisa xiligaa xukumayay Iran Maxamuud Axmadi Najad oo ay ku kulmeen shirkii midowga Afrika oo waqtigaa ka dhacayay wadanka Gaambiya,kaas oo madaxweynaha Irana lagu marti qaaday.

Hadii aynu akhris  deg-deg ah ku samayno, maaha wax cusub ama qarsoon in xidhiidh dhex maray labada dal ee Iran iyo Jabuuti,laakiin arinta xiisaha leh ayaa ah sida Dalka Jabuuti u yahay mid leh doonis ay ku xaqiijinayaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha ay ku soo jiidanayaan cid kastoo ay u arkayaan inay ku dhaanto dhaqaale,farsamo amo awood diblomaasiyadeed  xataa hadii ay dhibsanayso saxiib hore oo ay gacanta ku haysteen.

Wadanka Jabuuti wuxuu marti geliyaa oo saldhigyo ciidan ku leh Dalal ka socda dunida qaaradeheeda kala duwan kuwaas oo leh dano mararka qaar ay ka dhex dhici karto masaalix  iska hor imanay(conflict of interest) sidaas oo ay tahayna uma aabe yeelaan,cid kastaana waxay ku khasbanaatay inay booskeeda sii xejisato oo aanay dhinaca kale uga tegin,Jabuuti keliya maaha xero milateri ee waxay soo jiidatay maalgashiyo caalami ah oo dhaqaalaha iyo haybada wadankaas wax badan ka taray fagaarayaasha dunida,Jabuuti waxa kale oo ay saamayn aan la sahashan karin ku leedahay arimaha siyaasada  iyo nabad gelyada gobolka geeska afrika,waxana la odhan karaa Jabuuti waa wadamadda faro ku tiriska ah  Afrika ee si sax ah uga faa;iidaysanaya xoriyadii ay  qaateen sanadii 1977kii.

Inta badan waxa la odhan karaa Jabuuti way ku guulaystay argatideedii ahayd inay marti geliso dhamaan cidii ay u aragto inay wuxuun ku biirinayso,hase ahaatee Dalka Calateriya ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ka cadhooda dhabaha jabuuti ku socotey ee ahaa kasbashada ,Milateriga Calateriya ayaa weerar  ku soo qaaday sanadii 2008 fadhiisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Jabuuti  xuduuda u dhaxaysa labada waddan,weerarkan oo dadka ka faaloodaa amaanka gobolka ay ku tilmaameen mid salka ku haya cadho Calateriya ka qaaday xidhiidhka wanaagsan ee Jabuuti la wadaagto Itoobiya oo ay col yihiin,hase ahaatee Calateriyiintu maax jilbaha kama dhigin talaabada ay ku soo weerareen Dalka Jabuuti waxayna kala kulmeen cambaarayn balaadhan oo kaga timi waddamada gobolka,afrika iyo guud ahaan dunida.

Weerarkaa Calateriya wuxuu sababay in taa ka soo horjeedkeeda Itoobiya xidhiidh sidii hore ka sii qoto dheer la samaysato Jabuuti oo u ah marin dhinaca badda ah inta baddan ay ku tiirsan yihiin,xidhiidhkan oo gaadhay heer Itoobiya ogolaato in dhulkeeda Jabuuti biyo looga soo saaro,arintan oo dood adag ka dhalisay baarlamanka Itoobiya dhexdiisa hase ahaatee ay markii danbe ku guulaysatay xukuumdda raysal wasaare Haila Mariam Desilen  inay mariso sharciga arintaa saamaxayay.

Marka laga yimaado Dalka Itoobiya  waxa kale oo Jabuuti  ku guulaystay inay xidhiidh  kalsooni leh  ka kasbado waddamada  xuduudka badda iyo dhulka ay la wadaagto,sida Somaliland,Soomaliya iyo Yemen.

Laba waddan Jabuuti waxay leeyihiin xidhiidh la odhan karo wuxuu gaadhsiisan yahay heer ku siman naf isu hurid iyo dano dhaqan dhaqaale,wadamadaas oo kala ah Soomaliya iyo Yemen,halka lagu tilmaami karo xidhiidhkooda Somaliland mid ku salaysan  isku danaysi aan dhaafsanayn kolba xaalada markaa taagan,in kastoo dadka Jabuuti ku dhaqan ay dhalasho ahaan wax badan wadaagaan dhigooda Somaliland.

Qalinka ayaa ila taraaray ee   maaha ujeedada maqaalkaygu inaan maanta kaga hadlo arima hoose, balse waa mid aan doonayo inaan ku iftiimiyo,Digniinta nabad-gelyo ee Dawlada Marykan ku durtay ama kaga dayrisay inay jiri karaan weeraro halis ku ah amaanka muwaadiniinta maraykanka iyo danaha kale ee reer galbeedku ku leeyahay Jabuuti.

War saxaafadeed ka soo baxay  shalay wasaaradda arimaha dibeda maraykanka ayaa loogu digay muwaadiniinta dalkaas inay u socdaalaan waddanka Jabuuti si gaara iyadoo ay jirto khatar dhinaca nabad gelyada ah oo ka iman karta argagixiso aan la magac dhebin cida ay yihiin,warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dawladu ay helayso xogo aan kala joogsi lahayn oo ku saabsan suurtagalnimada cabsi argagixso oo ku jihaysan reer galbeedka oo lagu daray maraykanka.

Sida laga war qabo waa arin iska dabiici ah in Dawladaha reer galbeedku mararka qaarkood soo saaraan digniino dhinaca amaanka ah oo ku jihaysan dalalka qaarkooda,hase yeeshee digniinta ka dhanka ah waddanka jabuuti ee shalay soo baxday  ayaa ah arin loo sibir saari karo booqashada afhayeenka baarlamanka Iran ku yimi todobadkii hore Jabuuti.

Waxa laga yaabaa inaad is weydiiso hadii Calateriya oo ah dal yar oo afrikaana ay ka cadhootay ,isla markaana isku dayday inay talaabo milateri ka qaado Jabuuti xidhiidhkii Itoobiya dhex maray awgeed,Maxaa diidaya in maraykanka oo ah xoog dunida ka jira inuu Jabuuti u jeediyo fariimo wax u dhimi kara sumcada amaanka ay ku caano maashay cadho uu ka qaaday booqashada masuulka Irana darteed?

Inta aynaan jawaabta su’aashaa u gelin waxa lagama maar maan ah inaad fahamtid,isbedelada ka socda gobolka Bariga dhexe iyo Khaliijka oo ah meelo xudun u ah ama laga dheehan karo sida uu kor ugu socdo awoodii Iran ku lahayd carigaa,waxad ogtahay joogitaanka Iran ee suuriya,ciraaq iyo yemen,sidoo kale barnaamijkii nukliyeerka ee muranka badan dhaliyey oo ilaa hada jiq laysku yahay,arimahan oo dhan waxay muujinayaan in Iran aanay cidna wax iskaga tirinayn waqtigan hada la joogo,sidaa darteed ayay ku timi inay ku soo dhiirato saamayn ay ku yeelato gobolka geeska afrika.

Sidaas oo ay tahay hadana waxa jira xoogag carbeed oo sucuudigu ugu horeeyo,kuwaas oo si weyn uga soo hor jeeda is balaadhinta Iran ee mandaqada khaliijka iyo bariga dhexe.

Waa loo fahmi karaa in digniinta maraykanku ka soo saaray amaanka jabuuti ay tahay ama ka madhnayn  far’iin siyaasadeed oo ku socota hogaanka Jabuuti,taas oo la xidhiidha ama salka ku haysa in aanay  u hanqal taagin Jabuuti  soo abaaninta   dal Iran oo kale ah.

Hadaba hadii male awaalkan hore  sax yahay,waxa kale oo iyaduna daymo mudan maraykanku hore wuu ula socday joogitaanka Iran ee gobolka,ee maxaa xiligan keeni kara inuu Jabuuti cadho kula dul dhaco? sidii aynu xaga hore ku soo sheegnay kulankii dhex maray gudoomiyaha baarlamanka Iran  madaxweynaha jabuuti wuxuu xidhiidhada labada wadan Jabuuti iyo Iran ku soo daray Soomaliya oo iyaduna qayb ka noqon doonta hawshaa,

Marka laysku xooriyo  hadii digniinta soo baxday  dabada ku hayso  xanaaq  ka dhashay booqashada gudoomiyaha baarlamanka Iran, Marykanka iyo Jabuuti aqoon ayaa isugu laaban,sida hore loo arkayna suurta gal ma noqonayso in Jabuuti joojiso  sii wadida inay yeelato xidhiidho ay ku soo jiidanayso cid kastoo ay u aragto masaalixeeda sidii horeba loo arkay .

 

WQ:Maxamed Cabdalla Cilmi

Email:maxamedcabdalla1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here