Gabiley: Wasaaradda Beeraha Oo Kulan La Yeelatay Maamulka Gobolka Gabiley Iyo Odayaasha Deegaan Laga Samaynayo Biyo-xidheen

0
929

Gabiley , (HargeisaPress) — Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Cilmi Aadan ayaa ka qayb galay Munaasibad masuuliyiinta deegaanada laga fulinayo mashruuca Biji ee biyo qabatinka lagaga arinsanayey dar dar galintiisa, isla markaana ku saxeexayeen heshiis is afgarad oo ku sabsan bilaabitaanka mashruucaasi.

Munaasibada oo ay sidoo kale ka qayb galeen Maayarka iyo Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley ayaa waxa halkaasi laga soo jeediyey khudbado kooban oo ku sabsan bilawga Mashruucan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta beeraha Maxamed Cilmi Aadan oo khudbad kooban halkaasi ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Mashruucan oo sadex iliiladood oo halkaa biyuhu ka imanayan shaqadeedu ka bilaabmayaan wajigeedii koowaad, taasi oo ay dawladdu fulinayso, dawladda Jarmalkana waanu u mahadnaqaynaa, waxaananu bulshada kala hadlaynay sida loo shaqaynayo iyo waxa laga qabanayo mashruucan, odeyaasha sadexda tuulana aadbaan ugu mahadnaqayaa”.

Maayarka magaalada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi  oo isna halkaasi khudbad ka jeediyey madasha ayaa waxa uu yidhi “Waajibaadka waxa leh dadka deegaanka laga fulinayo Mashruuca anaguna markhaati ayaanu kaga nahay maamul ahaan heer gobol iyo heer degmo oo dhinac kastaa waajibaadkii heshiiskaasi la kala saxeexday inuu fuliyo ayaan ka rajaynaynaa, mashruucana waa mashruucii maalintii dhaweyd aynu boqor u joognay ee aynu soo wada marnay aad iyo aad ayaanu ugu mahadcelinaynaa wasaaradda horumarinta beeraha oo metalaysa xukuumadda Somaliland gobol ahaan mashruucaasi ay gobolka inagala fulinayaan iyo dawladda Jarmalka oo mashruucani maalglinaysa, waxaanu rajaynayna oo aanu dadka deegaanka ku adkaynaynaa inay mashruucaasi ka faa’iidaystaan oo ay hareero istaagaan oo aanay u arkin wax ay hay’addi wadato, waxaan doonaynaa inaad u dareentaan mashruucani inuu yahay mashruuc dawladdu wadato oo heer degmo, gobol iyo qaranba la hareero istaagsan yahay oo mustaqbalka la doonayo inuu guulaysto, markaa inaad aad iyo aad iskaga xil saartaan ayaanu idinku dar daaraynaa, hay’addana waxaanu rajaynaynaa in wixii heshiiska ah ee dhinaceeda ay ilaaliso”.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Case oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Mashruuca ay fulinayso dawladda Jarmalku ee ay soo marisay hay’adda SES ee ay wasaaradda beeraha soo marisay oo lagu magacaabo Biji, mashruucaasi oo in muddo ah laga soo shaqaynayey, kaasi oo ah mashruuc waxtar weyn inoo ah ee sadexdaa tuulo ee Boqor, Taysa iyo Geed abeera oo marka ugu horeysa tijaabada la qaatay, waxa ay ka mid yihiin dhulka ugu daran ee biyaha halkaa ka dhacaa badda galaan”.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here