Gabiley: Huteel Casri ah Oo Laga Furayo Iyo Mulkiilaha Oo Sheegay In Uu Ugu Talagaley Martida iyo Bulshada Gabiley Labadaba Hurdo iy Cunto + SAWIRRO

0
2026
Huteelada casriga ah ee Hurdada Fiican

Gabiley, (HargeisaPress) — Huteel Casri ah oo isugu jira Hurdo iyo Cunto ayaa dhawaan laga furayaa Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley,Huteelkaas oo dhismihiisu mudo socdey islamarkaana, loo dhameys tirey qeybaha kala duwan ee ay u qeybsan yihiin Hurdada jiifka iyo qeybta Cunada iyo cabitaanadda.

Mulkiilaha ikhtiraacey Huteelkan Casriga ah ee laga bineeyay Magaalada Gabiley Maxamed Cabdilaahi Bookh oo khadka isgaasiinta ugu waramey Shabakada Wararka hadhwanaagnews isagoo jooga Magaalada Gabiley ayaa sheegay in,ku talagalka huteelkiisan iyo tacabka uu u hurey yahey mid uu mustaqbalka doonayo in uu ka muuqdo hurumarka Gobolka Gabiley oo wakhti xaadirkan kasii koraya intiisii hore maadaama maalinba maalinta ka dambeysa Gabiley noqoneyso meel looga leydh doonto Magaalooyinka Waaweyn ee dalka laga soo bilaabo Burco,Berbera,Hargeysa,iyo dalka Dibadiisaba cimilo ahaan iyo jawi ahaan labadaba,waxaanu xusey in Huteelkan ka haqab tiri doono Huteelada casriga ah ee Hurdada Fiican iyo adeegyada ku lamaan ee raali galiya marti kasta oo usoo hoyata Gabiley.

Waxaanu sheegay in uu ka xogwarami doono marka uu xadhiga ka jaro maalinta Salaada ee Todobaadkan oo uu xaflad u sameynayo furitaankiisa.

Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley ayaa,sanadihii u dambeeyay laga furey Huteelo casri ah oo intooda badan dhisme cusub laga hindisey kuwaas oo kor u qaadey doorka Magaalanimo ee Gabiley iyadoo huteelkana wax badan kusoo kordhin sumcada iyo bilicda Magaalada labadaba.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY