Gabiley: Hay’adda IOM oo 15 Arday Oo Ka Socday Jaamacadda Timacade U Soo Xidhay Tababar Muhiim Ah + SAWIRRO

0
936

jamacada timada 2Gabiley , (HargeisaPress) —Hay’adda IOM ayaa  u soo gabagabaysay Tababar mudo 10 maalmood ah u socday 15 arday oo wax ka barta Jaamacada Timo-cade ee magaalada Gabilay, kuwaas oo ay hayadu baraysay mudadaas xirfado gaar ah oo salka ku haya sida loo raadsado shaqada, waxana tababarkaas xidhitaankiisii ka soo qayb galay Madax ka socotay hayada IOM, maamulka degmada Gabilay, kuwa gobolka Gabilay, salaadiin, madaxda Jaamacadda Timocade, Arday iyo daneeyayaal kale oo ka kala socday Wassaaradaha heer qaran.

Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadlay Uqaybsanaha Hayada IOM ee dhinaca Hawlgalada Mashaakilaadka Socdaalka ee Somaliland Md. Liibaan Maxamuud Ciise waxa uu xusay in tababarkan uu guul ku dhamaaday, isla markaana uu aad u rajaynayo in uu midho dhalo oo uu hoos u dhigo dhibaatada tahriibta ee dhalinta Somaliland.

“Waxa farxad noo ah in dhamaan ardaydii aan tababarnay ay diyaar u yihiin inay shaqeeyaan, waxa aan u mahadnaqayaa dhamaan hayadaha dawlada ee shaqada siiyay dhalintan, waxa aan ku han waynahay in dhalintani ay soo jiidan doonto dhalin kale isla markaana u tilmaami doonto inay dalka ku nagaadaan oo ay shaqo ka raadsadaan, waa hubaal in hayada IOM ay ogsoon tahay saamaynta ay dhalintu isku leedahay, sidaasi aawadeed ayaa ujeedooyinka tababarkan iyo korodhsiga waayo-aragnimada shaqo ee ardaydan la siiyay ay tusaale u tahay tabaha kala duwan ee ay IOM kula tacaasho joojinta tahriibta” ayuu yidhi Md. Liibaan.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Tababaro noocan oo kale ah ayay IOM ka qabtay dhamaan magaalooyinka waawayn ee dalka sida Boorama, Burco, Gabilay, Hargaysa, Barbara, Laascaanood iyo Ceerigaabo, guulo la taaban karo oo dhinaca shaqo abuurka iyo hoos u dhiga tahriibta ah ayaa laga gaadhay tababaradan, waxana laga maarmaan ah in la ogsoonaado in loo baahan yahay in bulshadu ay ku baraarugsanaato khatarta tahriibta sidoo kalena dhalinta ay ku wacyigaliso inay dalkooda ku nagaadaan isla markaana ay u fududayso siyaabo kasta oo shaqo ay u heli karaan.

jacamada timad

Gudoomiyaha Jaamacada Timocade Md. Magan iyo Hormuudka xafiiska arimaha ardaya ee isla jaamacadaasi Md. Maxamed Maxamuud Cumar oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay hayada IOM,m waxana ay sheegeen inay ku hanwayn yihiin ardaydoodan fursada la siiyay ay ka faaiidaysan doonaan.

Aadan Maxamed Aadan oo ku hadlayay magaca ardayda tababarka la siiyay ayaa ka marag kacay in mudadii 10ka maalmood ah ee ay tababarka qaadanayeen inay ka faaiidaysteen waxyaabo badan oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana ku aadan dhinaca shaqo-raadsiga, waxana uu Md. Aadan sheegay in ay si wayn uga faaiidaysteen mudadaasi, sidoo kalena ay u hawl gali doonaan sidii ay dhalinta uga wacyigalin lahaayeen tahriibta.

Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay ahmiyada tababarkan, waxana uu ka marag kacay in shaqadu ay sharaf leedahay, sidoo kalena ay tahay mid kaliya ee xayn-daabka u noqon karta mashaqada tahriibta ee bulshada sida tooska ah iyo sida dadbanba u saamaysay. Caaqilka ayaa sidoo kale kula dardaarmay dhalinta la hawlgaliyay inay dalka ku nagaadaan una fikiraan sidii ay wax ugala soo bixi lahaayeen.

Maayarka degmada Gabilay Md. Shucayb Maxamed Muuse iyo Xil. Ciid oo ka socday golaha degaanka ee Gabilay oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay ka marag kaceen in tababarkani wax wayn ka tarayo hoos u dhiga tahriibta iyo shaqo abuurka ee degmada, waxana uu maayarku sheegay inay shaqaalaysiiyeen qaar ka mid ah dhalintii la tababaray, isla markaana ay ku han wayn yihiin inay wax badan ka badali doonaan hanaanka shaqo ee D/Hoose ee Gabilay.

Badhasaabka Gabilay Md. Mustafe Cabdi Ciise oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa soo dhooweeyay dhalinyarta ay shaqada siiyeen, sidoo kalena ku dardaaday hayada IOM in ay tababarada noocan oo kale ah soo kordhiso. Sidoo kale waxa uu badhasaabku ka marag kacay in dhalintan ay shaqo-galiyeen ay farsamooyin casri ah oo dhinaca tiknoolajiyada ah iyo maskax curdin ah ku soo kordhin doonaan xafiiska gobolka Gabilay shaqada ka socota, waxana aan ku dhawaaqayaa in dhalintaasi ay shaqaale rasmi ah yihiin isla markaana ay leeyihiin xaqa iyo xuquuqda uu leeyahay qofka shaqaalaha dawlada ah.

Si kastaba ha ahaatee dhalintan ay hayada IOM tababarka u soo xidhay ayaa waxa ay si toos ah uga shaqo gali doonaan Xafiisyada Maamulka Gobolka Gabilay, Degmada Gabilay, Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Ganacsiga iyo xidhiidha Caalamiga ah, W/Waxbarashada W/Beeraha iyo W/Hawlaha Guud waxana midadaas ay ku gudojiraan dhalintani qaadashada tababarka korodhsiga waayo aragnimada shaqada ah oo dhan 6 bilood ay hayada IOM siin doontaa gunooyin lacag ah oo dhan 100 doolar bishiiba, taasi oo loogu talo galay in lagu dhiiri galiyo shaqo raadsiga dhalinyarta.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here