Hogaaminta madaxweyne siilaanyo dalka ayey sharaf u tahay.W/Q: Nimco nuur

0
884

Axmed maxamed maxamuud siilanyo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waa shakhsi taariikh wayn ku leh dalkan  Somaliland iyo bulshada afka somaliga ku hadasha , sida oo kale waa siyaasi si wacan looga yaqaano qaarada Africa,yurub ,America iyo caalamka intiisa kale , madaxweyne siilaanyo waxa uu mudo lagu qiyaasay nus qarni iyo in ka badan uu ku soo dhex jiray siyaasada, waana rug cadaa aqoon fiican u leh hogaaminta, inta badan cimrigiisa waxa uu ahaa hogaamiye , madaxweyne siilaanyo waxa uu taariikh aan waligeed duugoobayn ku lee yahay  jsl, laga soo bilaabo tan iyo markii aynu xoriyadeena dib ula soo noqonaynay,  waxa uu ahaa hogaamiyihii ugu mudada dheeraa  ee wakhtigii halganka, axmed siilaanyo oo ah aqoonyahan  khibrad iyo waayo aragnimo badan u leh waayihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay , ayaa u soo taagnaa dhamaan maraaxilkii aynu soo marnay, madaxweynaha jsl axmed maxamed, waxa uu takhasus ku haystaa cilimiga dhaqaalaha, shakhsiyadiisana waxaa lagu sifeeyaa, inuu yahay nin dulqaad badan oo tanaasul badan, kuna can ah wadatashiga iyo talo wadaaga, waa hogaamiye aad u neceb musuqmaasuqa ,shaqo xumada iyo wax kasta oo dib u dhigaya horumarka bulshada, axmed siilaanyo intii uu hogaanka dalka hayey  marka la eego heerka aynu siyaasada arimaha dibada ka gaadhnay iyo sida aynu bulshada caalamka ugu furfuranay, waxa ay cadaynaysaa, sharafta iyo qadarinta uu hogaamiyaheena rug cadaagii ku leeyahay  bulshada caalamka, waa axmed siilaanyo eh, siyaasiyiinta la dada ah madaxwene siilaanyo ama la khibrada ah waa qaar maanta aad ugu yar in laga dhex helo bulshada afka somaliga ku hadasha, waa hogaamie aad la inoogu qadariyo maxaa yeelay waxa  caalamku ogsoon yahay khibrada iyo waayo aragnimada uu u leeyahay siyaasada somalida iyo caalamkaba, sidaas daraadeed hogaaminta uu ina hogaaminayo madaxwene axmed maxamed  maxamuud siilaanyo waxa ay inoo thay sharaf iyo cisi aynu ku naaloonayno,  ugu danbayn waxa aan ku soo koobi lahaa qormadan yar, waa inaynu markasta karaamaynaa, madaxweynahena mud, axmed siilaanyo.

Allaa mahad leh

 

W/Q: Nimco nuur

Email : nimco1432015@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here