FULAHA GEESIGA IS MOODAY, DHACDADII GABILAY. Qallinkii: Mohamed Hamud

0
1120
Mohamed Hamud

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi “Gabilay aniga aya layga fasax qaadanayaa” dalkiba Gabilay buu ka yeeshay…

Bismilaah, Maqaalkan aan ugu magic daray Fulaha gesiga is mooday iyo dhacdadii Gabilay ee uu ku kacay XIldhibaan Iid Xasan Cabdi, taas oo gabi ahanba reer Gabilay ku ahayd ceeb iyo fool xumo wayn oo soo wajahday Degmada Gabilay.

Arintaas uu xildhibankaasi kula kacay Hogamiyaha Xisbiga Wadani waa arin aan meesha qabanayn waxayna hal ku dhig u noqotay sanadkan cusub ee 2017ka  “Gabilay aniga ayaad iiga fasax qaadanaysaa” taas oo dad badan oo reer Somaliland ah ka yaabisay in nin xildhibaan ahi sidas oo kale u hadlo, waana arin laga xishodo.

Waxan leeeyahay xildhibaan Iid, Maanta ceeb baad u soo jiiday guud ahanba degmadii Gabilay, waxa kale oo aad meel ka dhac ku samaysay dhaqankii wanaagsanaa ee Marti sooryaynta, mar hadii baradaadii lagugu yimi oo marti laguu ahaa inaad martida si wanaagsan u soo dhowaysaabay ahayn, oo aad dhaqankii suubaanaa ilaaliso.

Waxaan ku soo koobaya hadalkayga Gabilay cidna looga fasax qaadan mayo, waa degmo ka mid ah degmooyinka Somaliland, dhaman reer Somaliland cidii aan qaranka dambi ka galini way tegi kartaa cid looga fasax qaadanayaana mar jirto e haku daalin hadalka kicinta iyo kala qaybinta bulshada ah ee aan waxba kuu goaynayn. Wax garadka Gabilayna way arkaan sida martida loo af lagaadaynayo, tasina waa arin wax ka qabanshadeeda leh.

Alla mahad leh

Mohamed Hamud

Burco Somaliland

hamudson@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here