Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Wiil Uu Dhalay Oo Ku Biiray Kooxda Daacish(ISIS) Ee Ciraaq iyo Suuriya Ka Dagaalanta.

0
982

daacishHargeysa,(HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa Xaqiijiyay inuu Isagu dhalay Wiil ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa Ciraaq iyo Suuriya. Kooxda Daacish ayaa Muuqaal ay Inankan oo Magaciisa ku Sheegay Abu Shucayb AlSomali ka duubeen soo galiyay Barta Internet-ka ee Youtube. Waxa uu ku sheegay Muuqaalka inuu Finland ka soo hijirooday “Halkan waxaan u imid inaan ku biirro kooxda Daacish, waxaana kasoo hij-rooday dalka Finland,”

Hase ahaatee Eng: Faysal Cali Waraabe oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inuu Inankiisa yahay ninkaasi  Magaciisuna yahay Xuseen Faysal “Horta Wiilku Waa wiilkaygii, Alxamdulillaahi, waa Wiilkaygii. Waxa uu ku dhashay Finland. Saddexdii sano ee u dambeysay ayuun buu Inanka yari uu Salaadda iyo Diintii Bilaabay, wuu fiicnaa haddii uu Diinta bartay oo waaban ku faraxsanaa Inan yar oo Yurub jooga oo Diinta baranaya ayuu ahaa, laakiin sanadkii 2013-kii ayaa la waayay, inta uu Guursaday oo Gabadhiisiina kaxaystay, kadibna Hargyesa ayuun baa lagu arkay isagoo dhuumanaya oo Hotel loo diiday inay seexdaan isaga iyo Xaaskiisu. Markaa waxa la ogaaday isagoo la leeyahay Gabadha inaad qabto soo xaqiiji, ka dibna waxaa la yidhi Inankii Xuseen ayaa halkan jooga, sidaas ayaana lagu soo kaxeeyay oo gurigayga lagu keenay.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in markii sanadkaasi 2013-ka Hargeysa wiilkiisu yimid uu uga shakiyay inuu Al-shabaab u socdo, isla markaana laga qaaday laba Basaboor oo uu sitay, Ilaaladiisana uu ku balamiyay sidii ay u ilaalin lahaayeen, balse uu goor habeen ah ka baxsaday, cidna ay ugu dambeysay isagoo ku sii jeeda Boosaaso oo uu Basaboor ka raadsanayay.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY