Faysal Cali Waraabe Iyo Muuse Biixi Oo Mudo Kordhin Cusub In Xukuumadda Siilaanyo Loo Sameeyo Wada Saxeexay Iyo Guddoomiya Cirro Oo Gaashaanka U Daruuray

0
918

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Ee UCID   Faysal Cali Waraabe ayaa heshii mudo kordhineen oo xisbiga KULMIYE soo hor dhiga Qalinka ku duugay,halka uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro  Iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbiga WADDANI ay gebi ahaanba diideen inay saxeexaan heshiiska ay KULMIYE Iyo UCID Saxeen ee Mudo kordhinta loogu samaynayo Xukuumadda Wakhtigeedii Dhammaaday ee Siilaanyo.

 

Warqada heshiiska oo war-baahintu heshay ayaa waxa ka muuqda labada saxeex Ee Guddoomiyayaashaa UCID Iyo KULMIYE halka uu Banaanyahay Saxeexii loogu talo galay Guddoomiye Cirro,iyadoo uu yahay nuxurka Qoraalka ay xanbaarsantahay in doorashada loo riixo xiligaa jiilaal ee kal dambe  Nov 15- 2016,blasé heshiiskan ayaa ah mid ay UCID Iyo KULMIYE oo qudha isla qateen  una gudbiyeen Golaha Guurtida.

 

 

Dhanka Kalena xisbiyada WADDA ayaa gebi ahaan heshiiskaa ganafka ku dhuftay,iyagoo ku adkaysatay in wakhtigii ay Gudida Doorashooyinku Cayimeen ku qabsoonto doorashadu ee ahaa june 1-2016

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY