FARRIIN KU SOCOTA XISBIYADA QARANKA Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

0
933
Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

Maalmahan waxa xoogaystay dagaalka afka ah ee ay xisbiyadu isku qaadayaan iyo borobagaandhada siyaasiga ah ee la isku marinayo warbaahintaee la socota xummadda doorashada. Xilligan oo doorashadii madaxtooyadu kaabiga innagu soo hayso maaha wax lala yaabo in madaxda qaar ay ka soo yeedhaan hadallo xanaf leh oo dadka qaybin kara. Xisbiyadeenu maanta way ka siman yihiin hadalladaa aan ka fiirsiga lahayn laakiin qaarkood ayaa u eg in ay ku talax tagayaan. Gaar ahaan maan jeclaysan in xisbiga Waddani madaxdiisu ay marar dhawr ah shacbiga xasuusiyaan dagaalkii sokeeye.

Waxan jecelahay in aan xisbiyada xasuusiyo in fursadda ay maanta ku tartamayaan ay ku heleen nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland sidaas daraadeed aan looga fadhiyin in ay dadka ugu abaal gudaan ereyo nabadda dhaawacaya. Tartanka quruxdiisu waxay ku jirtaa in xisbi waliba barnaamijkiisa soo bandhigo, dadkana tuso sida uu uga maamul fiicnaan karo xisbiyada kale.

Dalkeenu maanta wuxu u baahan yahay in la sii adkeeyo oo laga jiro wax kasta oo ku keeni kara in uu xagal daaco. Nabadda iyo wanaagga Somaliland ka jira kuma iman dhayal. Dad badan ayaa naftoodii iyo maalkoodii ku waayey, carruuro badanina way ku agoontoobeen. Dedaal hore ayaynu maanta midhihiisii guranaynaa dusheenana waxa ka babanaya calan tawxiidku ku qoran yahay.

Waxaynu nahay qaran adduunka tusay kartidiisa iyo isku-filnaanshihiisa, qaran shaqo badan qabsaday iyadoo aan cidina wax la qaban. Diyaar baynu u nahay qabyooyinka inoo dhiman in aan waxqabadkooda sii wadno. Qabyooyinkaa waxa ugu weyn in aynu helno aqoonsi. Sidaan dhowr jeer ku qoray maqaallo hore, marka aynu dhexdeena is ictiraafno ee aynu noqono ummad dawladnimo u diyaar ah aqoonsiga caalamiga ah ee aynu u qalanno waynu helaynaa. Waxaynu u baahan nahay in aynu sii wadno dedaalka, wadajirka iyo danta guudna oo aynu u midowno. Siyaasaddu maaha in xisbi waliba dantiisa gaar u jirto danta guudna daaqadda ka tuuro.

Saxaafadda Somaliland oo aan ogahay in ay duruufo adag ku shaqeeyaan waxan u soo jeedin lahaa in ay qayb ka noqdaan quruxda tartanka. Muddo 35 sanno ah ayaan suxufi soo ahaa. Umaan dhaqmi jirin sida ay naftaydu jeceshahay, waxanse u dhaqmayey sida ay suxufi ahaan ummaddu iga filanayso. Cidda aad taageersan tahay niyaddaada ku hayso. Laakiin ilaali shuruucda saxaafadda oo dhexdhexaadnimada iyo run-sheeggu ugu horrayso.

Ugu dambayn waxan Ilaahay ka baryayaa in uu abaaraha innaga soo furto, intii ka qayb gashay gurmadka abaaraha, hadday shacbi tahay iyo hadday xukuumad tahay, ammaan iyo mahadnaqba waan u jeedinayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here