FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY Qallinkii: Maxammad Saleebaan Cumar

0
1383
Maxammad Saleebaan Cumar

Waxaynnu doorannay Madaxweyne cusub; Md. Muuse Biixi Cabdi. In ka badan kala badh bulshadii Somaliland ee codaysay ayaa dooratay. Doorashadiisa waxa ku baxay tacab bulsheed oo xooggan. Aniga ayaa ugu yar oo safar boqollaal Kiiloomitir ah ayaan u galay si aan ugu codeeyo. Safarka intaa le’eg uma galin inaan wax gaar ah ku helo, waxaan se u galay inaan codkayga ku biiriyo isbeddal xaqiijiya sinnaan iyo horumar. Aniga iyo ummaddu ba, waxaannu filaynaa wax san. Waxaannu rejaynaynaa isbeddal horusocod ah.

Mudane Madaxweyne, Somaliland waxay ku jirtaa marxalad aad u adag. Waxa ku kulmay xaalado dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsheed oo aad u murugsan. Waa xaalado u baahan garasho sarraysa oo hoggaamineed, aqoon maaraysa, iyo aragti togan oo ka dab qaadanaysa dammiir nool iyo dareen dhaaddan wadciga ku meersan. Waxaannu ku doorannay annaga oo intaasba adiga kugu tuhmayna.

Waxaannu ku doorannay annaga oo kuu arkaynnay musharraxa ugu habboon marka loo eego labadii musharrax ee kula tartamayay. Waxaannu ku doorannay iyada oo Xukuumaddii ka dhalatay Xisbiga aad hoggaamisaa wax badan qabatay, wax badan oo kale na ay tasaysay. Sidaas darteed, waxaannu kaa filaynaa inaad sii kobciso horumarkii dalku gaadhay muddadii uu xisbigaagu talada hayay iyo inaad toosiso waxyaabaha badan ee innaga qalloocsamay.

Mudane Madaxweyne, waxaad la wareegaysaa dal dhammaystiran, nabdoon, oo leh hay’ado dawli ah oo waxoogay shaqeeya. Waxaad la wareegaysaa dal quluubta bulshadiisu kala fogaatay oo yuhuuntoodii ummadnimo kala furfurantay. Waxaad la wareegaysaa dal sicir-barar, dhaqaale-darro iyo abaaro jiitamay regaadiyeen. Waxaad la wareegaysaa bulsho dhaqan ahaan iyo qiyam ahaanba burburtay, oo dibudhis muddo qaadan kara u baahan. Waxa lagu doortay muddo 5 sanno ah. Waa muddo-xileed aad u kooban marka loo eego qabyada jirta.

Doorashadii Madaxweynenimo ee dalka ka dhacday waxay ka tagtay xanaf iyo xanuunno saameeyay midnimada wadareed. Xaaladdaa oo loo geeyay abaabulkii beelaysnaa iyo hadalladii aan tudhaalaha lahayn ee siyaasiyiintu waxay shacabka geyaysiiyeen kala-fogaansho nafsadeed. Hiilada qabyaaladeed maanta ayay ugu daran tahay. Waxay baabi’isay dareenkii qarannimo loo wada hanweyn yahay oo lagu wada dhaato. Waxay dhiirrigalisay in wax kasta oo la wada lahaa la kala yeesho. Waxay dadkii u qaybisay reero iska soo hor jeeda. Sidaas darteed, mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa abuurista qarannimo loo siman yahay oo xidhiidhisa ummadda iyo dareenkeeda.

Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa hoggaamin guddoonkeedu urursan yahay iyo gole xukuumadeed oo si siman kaaga talo qaata. Waxaannu kaa filaynaa xukuumad layska wada dhex arki karo oo aan ku dhisnayn hagbad iyo jeegaan. Waxaannu kaa filaynaa xukuumad soo dhoweysa bulshadii aan kuu codaynnin iyo kuwii ku doortay labadaba. Waxaannu kaa filaynaa sii-xoojinta horumarrada laga sameeyay wada-hadalladii Khaatumo iyo dib u sixidda saami-qaybsiga beelaha darafyada.

Baahida ugu weyn ee ay maanta ummadda Somaliland qabtaa waa caddaalad. Caddaalad-darrada ku milantay hannaanka dawladnimo waxay halis ku tahay guud ahaan jiritaanka ummadda. Intii suurtogal ah, waxaannu kaa filaynaa caddaalad… caddaalad… caddaalad.

Saami-qaybsiga beeluhu waa xaqiiqo mudan in si maangal ah loo derso. Sidoo kale Xukuumad kooban oo tayo lehi waa mid aan dalku ka fursan karin. Is-diiddada labadan xaaladood ka dhex oogani waa mid ka mid ah hal-xidhaalayaasha ku hor yaalla. Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah is-waafajinta xukuumad tiro ahaan kooban, saami ahaan laga wada muuqdo, qof kastaana ku habboon yahay kaalinta loo igmaday.

Dhaqaale ahaan, dalku wuu fuuqbaxay. Waxa qiime-beelay shilinkii, waxaana kor u kacay maciishaddii. Taasi waxay sababtay in ganacsiyo badani suuqa ka baxaan, shaqo-la’aantu xoogaysato, noloshu adkaato, oo aan guryo badan dab laga shidan. Waxa kale oo ay sababtay kala-fogaanshaha xooggan ee dabaqadaha dhaqaale ee bulshada. Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa in sicir-bararku noqdo waxyaabaha ugu horreeya ee ay xukuumaddaadu wax ka qabato.

Magaalooyin badan oo ay caasimaddu ka mid tahay waxa ka jirta biyo-la’aan xooggan. Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa in aad biyo ku filan oo nadiif ah ka hirgalisid caasimadda iyo magaalooyinka kale ba.

Waxbarashada dawliga ahi waxay ku sugan tahay xaalad adag oo ay ugu wacan tahay miisaaniyad-la’aan. Si taas la mid ah, waxa kala badan tirada Jaamacadaha iyo tayada aqoonta ay bixiyaan. Kala-nidaaminta Jaamacadaha iyo hubinta in ay buuxiyeen shuruudihii Jaamacadnimo iyo in kale waxa hor taagan dareenka qabaliga ah oo ay awoodihii arrimahaa wax lagaga qaban lahaa u garbo-duuban yihiin. Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa inaad mudnaan weyn siin doontid horumarinta tacliinta dalka.

Somaliland waxay ka mid tahay dalalka ugu caafimaadka liita dunida. Nafta bini’aadamku waxay si fudud ugu dhiman kartaa wax fudud. Adeegyada liita ee caafimaadku waa kuwo ka soo jeeda maamul-xumo dawli ah iyo la’aanta siyaasado qaran oo caafimaadka haga. Tan awgeed, Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa hirgalinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, la awoodi karo, loona wada siman yahay.

Waxaannu kaa filaynaa yagleelista jewi abuuri kara dhallinyaro nafahooda aaminsan oo ku kalsoon in aqoontoodu u goyn karto shaqo iyo xil kasta oo qaran leeyahay. Tan awgeed, Madaxweyne, lagaama filayo in caaqil iyo dillaal-siyaasadeed oo dambe hannaan gurracan u meelmariyaan cidda shaqooyinka qaranka loo igmanayo.

Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa qorshe iyo fulin lagula tacaalayo abaaraha soo noqnoqday iyo siyaasad badbaadisa deegaanka iyo inta ku nool.

Inta badan Wasiirradu waxay ku raad-gataan xidhiidhinta beelaha ay ka soo jeedaan iyo Madaxweynaha, taas oo ay kaga mashquulaan shaqadii ay ahayd inay qaranka u qabtaan. Taasi waxay meesha ka saartay isla-xisaabtankii shaqo, waxaanay Wasiirnimadii ka dhigtay shaqada ugu fudud ee qof qaban karo. Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa inaan Wasiirradaadu shaqada qaranka kaga mashquulin inay adiga iyo bulshada idiin kala dab-qaadaan.

Musuqa iyo boobka hantida qaranku waa dhibaato ina daashatay tan iyo dhalashadii dawladnimada casriga ah. Sidaa darteed, mudane Madaxweyne waxaannu kaa filaynaa inaad dhaqan-xumadaas tirtirtid iyo in ciddii musuq ku caddaado tallaabo adag oo lagu cibro-qaato laga qaado. Waxa kale oo aannu kaa filaynaa inaad meesha ka saartid dareenka ah in xilalka dawladda dhakhso looga taajiro, loogana fara qabsado.

Muddooyinkii ugu dambeeyay, waxa abuurmay dhaqammo siyaasadeed oo aad u liita. Waxa xoogaystay af-miishaarnimada, waxaana isa soo taray weji-ku-macaashka. Weji-ku-macaashku waa gabboodfal xun oo dadka lagu gumeeyo waxoogay maalin-dagaal ah, isla markaana uu qofku qofnimadiisii ku waayayo qaddar cunto ah. Waa dhaqan liddi ku ah akhlaaqda suubban, qiyamta wanaagsan, karamka aadamaha iyo sharciyadda qarannimo intaba. Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa inaad dhaqammadaa intii suurtogal ah soo afjartid.

Dhinca kale, waxa baaba’ay halbeegyadii wax lagu wada qiimaysan jiray. Waxa lumay qiimiyadii lagu kala sooci lahaa wanaagga iyo xumaanta. Wax kasta oo wanaagsanaa ayaa xumaaday; wax kasta oo xumaa ayaa wanaagsanaaday. Dawladnimadii suubbanayd ee qof kasta dedaalkiisa, aqoontiisa, xirfaddiisa, hibadiisa iyo kaalintiisa nololeed ku qiimayn lahayd ayaa meesha ka baxday. Deetana qof waliba waxa uu toshay derajo maxlal ah oo uu isagu isku aqoonsaday; Suldaan, Aqoonyahan, Suxufi, Abwaan, Siyaasi, Borofesar i.w.m. Waxa la arkay qof isagu is qiimeeya, deedna si xishood-darro ah, shahaado-sharaf u samaysta ama soo-dhoweyn u abaabusha. Sidaas darteed, mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa inaad anshaxa mujtamaca toosiso, dhisto, oo aad arrimahaa xisaabta ku darsatid.

Mudane Madaxweyne, waxqabadka dhabta ah ee lagu naalloon karaa wuxu ku xidhan yahay hadba sida aad uga jawaabto baahiyaha mujtamac ee tiro beelay. Sidaas darteed, waxaannu kaa filaynaa waxqabad aan ku salaysnayn ‘igu sawir’, faan iyo is-iibin, laakiin daarran tayada iyo wax-ku-oolnimada mustaqbalka fog.

Mudane Madaxweyne, waxaannu ku doorannay 5 sanno, ee kumaannu dooran 6, 7 ama 8 sannadood. Tan darteed, waxaannu kaa filaynaa in ay doorashooyinku ku qabsoomaan xilligii loogu talo galay oo aanay dib u dhicin Baarlamaan 13 sanno iska fadhiya iyo xukuumad 7 sanno iska joogta. Sidoo kale, waxaannu kaa filaynaa go’aammo ku aaddan waxa laga yeelayo Golaha Guurtida iyo Saamiqaybsiga kuraasta Wakiillada.

Mudane Madaxweyne, fule xantiisa ma mooga e, dadka kaa soo horjeedaa waxay kugu sheegaan nin ad-adag, macangag ah, oo aan jeclayn inuu dhegaysto afkaarta tiisa ka geddisan. Waxa ku hor yaalla caqabado aan u baahnayn hadal adag, gacan adag, iyo go’aan adag, bal se u baahan miyir iyo xasillooni.

Ugu dambayntii, mudane Madaxweyne, adduun magac baa ka hadha. Maanta waxaad haysataa fursad aad ummaddaada kaga kasban karto magac dhaxal reeba oo jiilasha dambe ku hadaaqaan, isla markaana aad aakhiradaada ku wanaajin karto, haddii Rabbi ku waafajiyo. Waannu kuu ducaynaynaa ee Ilaahay kuguma xilo masuuliyadda culus ee aad qaadday.

Maxammad Saleebaan Cumar

Email: halabuur2@gmail.com

Twitter: @halabuur

LEAVE A REPLY