Farmaajo iyo Khayre oo Fashiliyey Mooshinkii Xil-ka-qaadista ee Muqdisho gilgilay

0
1165
FARMAAJO IYO KHAYRE

Mooshin ka dhan ahaa Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isla markaana khilaaf ka dhex-abuuray Shir-guddoonka Golahaas Sabtidii, ayaa buray, ka dib markii la kala furfuray Xildhibaannadii Mooshinkaas saxeexay ee guddoomiyaha u gudbiyey.

Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux  sidoo kale-na loo diray guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in uu buray sharciyan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided).” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waxaanu Qoraalkiisa oo sii socday intaas ku daray; “Haddaba tirada xildhibaannada kusoo haraya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”

Xoghayaha  Golaha Shacabka ayaa sidoo kale warqaddan uu u qoray Guddoonka Golaha  Shacabka waxa uu kula socod-siiyay in Hindisaha Xil ka qaadista  Madaxweynaha JFS (09/12/2018) uusan soo buuxin shuruudihii dastuuriga ah  ee u xusan warqadda.

Shalay ayay ahayd markii labada Guddoomiye Ku Xigeen ay soo saareen Warqad ay ku hakinayaan hawlaha Golaha Shacabka, iyaga oo tilmaamay in Guddoomiya Golaha Shacabka iyo iyaga oo ku-xigeennadii golahaas ah u khilaaf ka dhex-jiro, inta khilaafkaasi jirana cidna loo furi karin Golaha.

Mooshinka loo gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, ayaa Xukuumadda Khayre iyo Farmaajo gilgilay, isla markaana la sheegay inay lacag badan ku bixiyeen sidii ay u burburin lahaayeen ee ay xildhibaannada gudbiyey u kala furfuri lahaayeen, waxaanay ku guulaysteen in Xildhibaannadii Mooshinkaas saxeexay qaar badan oo ka mid ahi ay beeniyaan inay saxeexeen, iyagoo ku dooday in laga been-abuuray, sidaa awgeedna markii ay tiro badani is-dhintay, ayuu buray mooshinkaas xilka lagaga qaadi lahaa Farmaajo oo ay xildhibaannadu ku eedeeyeen khiyaamo Qaran iyo masuuliyad-darro uu sameeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here