“Farmaajo cadaawad aan loo baahnayn iyo cunnoqabatayn ayuu Somaliland kula kacay ”…Maxamed Biixi

0
898
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Jabuuti , (HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo in ay cunaqabatayn iyo cadaawad kula kacday Somaliland.

Waxaanu sheegay in madaxweyne Farmaajo mudadda uu xilka hayay ku kacay falal sii kala fogaynaya bulshadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah, isla markaana uu cadaystay in uu cunnoqabateeyo Somaliland.

 

Maxamed Biixi Yoonis,  oo hadal ka jeedinayay shir ku saabsanaa sidii ay Soomaaliya ula jaan-qaadi lahayd isbedeladda siyaasadeed ee geeska Afrika oo lagu qabtay dalka Jabuuti, oo uu soo qaban qaabiyay machadka Heritage.

Waxa  uu aad u dhaliilay qaabkii ay wadahadaladii hore uga soo qayb geli jireen masuuliyiinta ka socda dhinaca Soomaaliya.

Halkana Ka Daawo Hadalka Maxamed Biixi Yoonis:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here