FARAWEYNE: Degmo Ka Hadhey Degmooyinkii Ay La Itaalka Aheyd iyo Baaba,a Ku yimid Adeegyada Aasaasiga u ah Bulshada (Warbixin)

0
1650
Gudoomiyaha Degmada Faraweyne Mudane Faysal Maxamed Jaamac PHOTO FILE

Faraweyne, (HargeisaPress) —  Degmada Faraweyne oo kamid ah Magaalooyinka Qadiimka ah ee katirsan Gobolka Maroodi/jeex islamarkaana, kamid ah Degmooyinka Xuduuda ku teedsan u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya waxa ay kamid tahey Degmadaasi,Degmooyinka aan kab iyo jaan lasoo dhigin inta ka horeysa marka Doorashooyinka la dhaqdhaqaajinayo,taas oo laga dareemo niyad jabka iyo ciirsi la,aanta wehelka u noqdey shacbiga kooban ee kunool halkaasi.

Waxaa dib u dhac weyni kuyimid adeegyada aasaasiga u ah Bulshada sida Caafimaadka,Waxbarashada,iyo Biyaha maadaama Ceel biyoodkii u dambeeyay ee loo qodeyna dayac awgii u xumaadey xiligan wali jiilaaku ku dhaba dheer yahey dadka Deegaankaasi ee xoolo dhaqatada u badan.

Iyadoo dhaliilaha ugu weyni wakhti xaadirkan ka taagan tahey dhinaca Maamulka Degmada oo mudo bilo ah aan kasoo xaadirin inta badan Gudaha Degmada wakhtigiisana ku qaata Caasimada Hargeysa sida ay u badan tahey cabashada dadweynaha kunool Degmada Faraweyne ee daneynaya in ay Degmadoodu kamid noqoto Degmooyinka dhaqdhaqaaqooda hurumar muuqdo wallow aaney noo suurtagalin in aanu Gudoomiyaha kula kulano Faraweyne si aanu wax uga weydiino catowga iyo duruufaha kajira halkaasi.

Arimaha ugu waaweyn ee tabashada Bulshada Faraweyne ayaa qeyb ka ah Mudadii Xukuumada Kulmiye talada haysey, oo aan Maamulka  wali laga badelin Maamulka Degmada sidii loogu soo magacaabay waxa ay taasi qeyb ka noqotey Cadaalad darada ay ka tirsanayaan dadweynaha Faraweyne in aan Maamulkoodu waxba iska tirinin mar hadaaney jirin cid ku daba joogta gudashada Waajibaadkiisa sidaa darteedna uu mudo dheer uga maqnaado Degmada haba joogaan dhaqdhaqaaq kale iyo wax uu kusoo kordhiyo oo qeyb ka noqda in Degmada Faraweyne la mid noqoto Tuulooyinka iyo Degmooyinka hanaqaadey ee nawaaxigeeda ah sida Degmada Alleybadey,Tuulada Wado-Makaa-iil iyo meelo kale oo badan.

Marka gun iyo baar hoos loogu noqdo Gudaha hoose ee xaqiiqooyinka hagardaameeyay hurumar ay mustaqbal ahaan hiigsato Degmada Faraweyne iyo caqabadaha cirka ku laaley in ay talaabo hore, u qaado mar walba waxa saldhig u noqonaya Maamulka xiligan iyo qeybo kamid waxgaradka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaankaasi amaba sheegta waxaana taas,Tusaale u ah in Degmadaasi sidaa u aradan ay iska Diiwaangaliyeen dad gaadhaya 30,000 oo qof haseyeeshee,dadkaas oo intooda badani ku nool yihiin Magaalooyinka Waaweyn ee dalka ha ubadnaato Caasimada Hargeysi waxa dhab ah in aaney Degmada Faraweyne ku qabin talo iyo tab khuseeya Mustaqbalkeeda.

Sikasta oo ay tahey,waxa muuqata in aaney marnaba ka suurtagalin Karin in laga talaabsado caqabada xadhig maranka ku ah Hurumarka Degmada Faraweyne tan iyo inta loo helayo Cadaalad diirada lagu saaro in baahi weyn loo qabo in isabdel iyo dhaqdhaqaaq laga mideysan loo abuuro islamarkaana, loo madax baneeyo Xukuumada Dhexe oo laf ahaanteedu uga caagtey Siyaasiyiin dhexda ku duubtey iyadoo, dhab ahaan loo dareemayo Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo iyaguna sheega in ay kasoo baxeen Degmada Faraweyne laakiin aan kalmad ku wajahan Degmada maalin kaliya Gole uga Sheegin marka laga reebo Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo isagu aan ka raad qaadin Faraweyne.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here