Fanaankii Caanka Ahaa Ee Guulane Axmed Cali Oo Ku Geeriyooday Magaalada Aw Barre Ee Dalka Ethopia

0
1541

Hargeysa, (HargeisaPress) — Marxuum Guulane Axmed Cali oo Ahaa Fanaan caan ka ahaa Gayiga Somaliland isla markaana muddooyinkii u danbeeyay ku noolaa Magaalada Aw Barre ayaa Maanta ku geeriyooaday Magaaladaasi Laguna aasay .Waxaanu Marxuumku u geeriyoday xanuun ku soo booday oo isla markiiba u geeriyooday .

Allaha u naxariistee Marxuum Guulane Axmed Cali ayaa ka mid ahaa jiray Fanaaniintii Ciidanka qaranka Somaliland, waxaana uu Fanka ku soo biiray 1997kii.

Marxuum Guulaane ayaa waxaa uu ifka kaga tagay 5 Caruur oo isugu jiray 4 Wiil iyo Hal Gabadh isagoo guursday intii uu noolaa xaasaas dhawra ah .

Fanaanka ayaa suugaan kala duwan horay ugu luuqeeyay, waxaana haweenka heesaha uu la soo qaaday ka mid aheyd Sahra ilays, Ubax Fahmo oo ay dhowr heeso ku wada luuqeeyeen.

 

Alle ha u naxariisto oo janadi fardawsa ha ka waraabiyo, 

 

Dhamaan Maamulka, Hawlwadeenada iyo Wariyeyaasha Shabakadda HargeisaPress.com Waxay Tacsi Tiiraanyo leh udirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Bahda Fanka Somaliland ee uu ka Baxay Marxuum Guulane Axmed Cali Waxaanu alle uga Baryaynaa inuu Naxariistii Janno ka Waraabiyo,  Ehaladii uu ka Baxayna Samir iyo iimaan Saadiqa ka Siiyo.. Aamiin.. Aamiin.. Aamiin

 

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun


 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here