Fanaanada Caanka Ah Ee Farxiya Fiska Oo Soo Gaadhay Hargeysa Iyo Soo Dhawayn Diiran Oo Ay La Kulantay

0
1066

Hargeysa , (HargeisaPress) —Fanaanada caanka ee Farxiya Axmed Macalin(Farxiya Fiska) ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Fanaanadan oo ka soo duushay wadanka Ingiriiska ayaa markii ay ka soo dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxay soo dhawayn diiran kala kulantay bahda fanka ee guud ahaan somaliland kuwaas oo iskugu jiray fanaaniin, Abwaano iyo dadweyne kale.

Fanaanada Farxiya Axmed Macalin (Farxiya Fiska) ayaa hore u balan qaaday inay timaado magaalada Hargeysa.

Fanaanada Farxiya Fiska ayaa qorshaynaysa inay bandhig suugaaneed ku qabato mudada ay joogto magaalada Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here