Fadeexad: Booliska Somaliland goorma ayey kamid noqdeen Ciidanka Soomaaliya? + SAWIRRO

0
1347

Hargeysa,(HargeisaPress) — “HARGEISA HOSTS HIGH LEVEL MEETING ON COMPREHENSIVE POLICE REFORMS” oo macnaheedu yahay “Hargeysa  waxa ay marti galisay kulan heer sare ah oo dib u habaynta booliska oo qoto-dheer” sidaas waxa Ciwaan looga dhigay Qoraal ku qoran Luuqada Ingiriisiga oo lagu baahiyey Degelka wararka ee Xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNISOM) ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, kaasoo Magaalada Hargeysa ku qabtay kulan lagu tababarayo Booliska, qaybna ka ah dib u habaynta Booliska Soomaaliya.

 

Kulanka oo dhacay  26 March ee sanadkan 2018-ka, wax aka qaybgalay Wasiirka Arrimaha gudaha, Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland, Saraakiil ka tirsan qaybaha Booliska, xubno ka socday Ururrada Bulshada rayidka ah iyo Sarkaalka u sareeya UNSOM qaybteeda tababarta Soomaaliya Soomaaliya, kaasoo magaciisa la yidhaahdo Lucien Vermeir, kaasoo ku lebisnaa Direyska Booliska Soomaaliya.Waa markii ugu horaysay ee inta la ogyahay Hargeysa lagu qabto tababar noocan oo kale ah, wixii ka dambeeyey dhismihii aasaaska Ciidanka Booliska iyo dhismaha Dawladnimada.

Xafiiskan UMSOM ee tababarka u qabtay Booliska Somaliland waxa dalka laga madnuucay tobanaan sanno ka hor, waxaana mar kale Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo eriday sanadkii 2014-kii, taasoo ay dawladda isku-maandhaafeen sarkaalkii xilligaa ugu sareeyey Xafiiska QM ee Soomaaliya Nicholas Kay.

“Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNISOM laanteeda booliska ee UNSOM Police oo xarutoodu tahay Muqdisho. Wixii ka horeeyey xukumaddan 2aad ee xisbiga Kulmiye iyo 7-dii sano iyo dheeraadka ahayd ee xukumadii Siilaanyo waxa aynu ogayn in aan dalka laga ogolayn UNSOM oo waatii U-qaybsanihii UN-ta Nicholas Kay madaxweyne Siilaanyo sheegay in uu ka diiday in xafiis UNSOM ah laga furo Somaliland, Horena maxrxuun Cigaal iyo Daahir Riyaale iyaguna sidaa ayey siyaasada cad auga lahaayeen UNSOM.”sidaas waxa farriin qoraal ah oo uu barta Facebook-ga ku baahiyey ku sheegay Cabdilaahi Maxamed Cali oo ah Wariye u shaqeeya Telefishan xaruntiisu ku taallo Magaalada London.

Ma jiro wax war ah oo ay Dawladdu ka soo saartay sababta Xafiiska UNSOM loogu ogolaaday inay Somaliland ka fuliyaan tababaro lagu mideynayo Ciidamada Booliska ee Somaliland iyo kuwa Soomaaliya, walina noomay suurto-gelin inaanu jawaab ka helno madaxda laamaha dawladda ee ay arrintani khusayso.

Dhinaca kale Muuqaalada Kulankan oo aanu helnay ayaa  Waxa ka muuqda  saraakiil ku labisan dirayska booliska UNSOM Somalia iyo shaqsiyaad metelayey magaca “Bulshada Rayidka ah ama “Civil Society” iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed.

Kulankan kamay qayb-galayn oo wax war ah kamay duubin Telefishanadda iyo qaybaha kale ee Warbaahinta Maxaliga ahi, waxaana lagu baahiyey isagoo Muuqaal, Qoraal iyo Musawirro barta  wararka ee UNSOM Somalia oo bogeeda Internet soo galisay.

Sarkaalka ugu sareeyea UNSOM Police  Somalia, Lucien Vermeir oo kulanka balan qaadyo ka bixiyey ayaa sheegay in ciidamo UNSOM Police ah oo kuwa Sonaliland caawiya ay keeni doonaan Dalka.

Haddaba arrintan ayaa dood iyo darreen qoto dheer ku abuurtay Bulshada Somaliland intii ka war heshay dhacdadan, waxaanay su’aasha taagani ay tahay goorma ayey Somaliland ogolaatay in UNSOM timaado dalka  oo ay xafiis ku yeeshaan Hargeysa?

Labadan Su’aallood-ba waa kuwo si toosa ugu oroorraya Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo intii uu xilka hayey iyo ka horba meel adag ka taagnaa sida aanay marna isugu milmi Karin Soomaaliya iyo qadiyada Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY