Faddeexadaha Musuq-maasuq iyo Maamul-xumo ee Dul-hoganaya Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada

0
1773
Wasiirka Arimaha Bulshada oo Markale ku Jeesjeestay Dhalinyaro Ay Xabsiga Hore ugu Taxaabtay PHOTO

Goormaa lagula Xisaabtami doonaa Wasiir Hinda Xirsi Gaani $200,000. ee Sanad Walba shaqaalaha ajaanibka ah laga Qaado ee Qasnaqada Qaranka ku dhicin Iyo Hagar-daamooyinka is-huwan ee kale? Warbixin qoto dheer

Hargeysa,(HargeisaPress) — Akhristayaal waxaa soo baxaya eedeymo la xidhiidha in Wasiiradu badashay qaar ka mida shaqaalihii wasaarada joogay mudada badan ee khibrada u laha shaqada wasaarada oo ay keentay in Shaqsiyaad gaar,oo qaarabo kiil ah kuwaasi oo an ku jirin liiska shaqaalaha wasaarada iyada oo dhawaan u gudbisay Hay’ada shaqaalaha dawlada .

Ilo ku dhow Xafiiska Wasiirada Hinda Xirsi Gaani oo ka Madaxbanaan wasaarada ayaa u sheegay Shabakada Wararka HargeisaPress in Wasiirada Hinda Xirsi Gaani inay shaqsiyaad gaar U gacan galisay Wasaaradii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland .

Baaritaan iyo darasad cilmiyaysan oo ay sameysay Shabakada HargeisaPress kadib ayaa waxaa soo baxday in Afar ruux oo ka mid ah ehelka Wasiir Hinda Xirsi Gaani ay wasaarada la wareegen shaqadii ka socotay , waxaana sidoo kale 4-taas qof midkood lagu sheegay in midkamida ay edo u tahay….

Akhristayaal si aan xog dheeraad ah uga helo xaqiiqada ka dhex jirta Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxan idin soo bandhigi doona siday wax u jiran oo anu cadaynteeda hayno.

Wasiir Hinda Xirsi Gaani Intii  ay xilka haysay waxa hal-hal isu daba socda Mushkiladdo aan kala go’ lahayn oo saameeyay habsami-u-socodka hawlaha maamul iyo farsamo ee Wasaaradda, sida Muranka joogtada noqday ee u dhexeeya Wasiir Hinda Xirsi Gaani iyo Agaasime Mohamed ilkacase , isku mulaaqsanaanta iyo isku bed-bedelka xad-dhaafka ah ee Agaasime waxaadyada  Wasaaradda.

 

La Soco Bari…..

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY