Faallo: Loolanka Muuse iyo Samaale waxa uu Noqday labadii Nin ee Bilaa Timaha ahaa ee Gadhfeedha isku laayay. Qalinkii: Mustafe Future

0
998

Waxaa Umadda Reer Somaliland lagu Jahawareeriyay Tartan udhexeeya Shaqsiyaad Madashii ay ku Loolamayeenba aanay Gacanta ugu jirin, kuwaasi oo Saadaal aan La hubin halka ay Saldhigi doonta ku kala Irdheeyay Bulshadii ay ka soo jeedeen .

Waa Gobonimo iyo Sharaf in Shaqsigu Han yeesho, kuna Hamiyo inuu Hanto Hogaanka ugu Sareeya Dalka Balse waxaa iyana Haboon in uu Hoos udayo Madasha Ciyaartu ka Dhacayso iyo sida ugu Haboon ee uu Madasha uga Dhex tartami karo.

Shaqsiga Siyaasiga ah waxaa looga baahanyahay inuu Aragti dheer lahaado isla markaana Wax uu Hubo Ku Tartamo balse haddii Tartankiisu noqdo mid Shuruudi ku xidhantahay oo ah marka Hebel dhamaysto waxaa Qurux badan inaad la Sugtaan Wakhtiga ay ku Haboontahay, Madasha ay ku haboontahayna laga Dhex Tartamo (Golaha Dhexe ee Kulmiye).

Haddii Bulshada aad ka soo Jeedo aad kala Disho, kala Irdhayso,iskana horkeento, Sheekh, Shariif, Suldaan iyo Waxgaradba  kuna kala Disho Wax aan la garanayn Halka uu Saldhigi doono iyo waxa uu ku dhamaan doono, Waa ayaan Darro inteeda leeg, Waana mid dhaawac Soo gaadhsiin doonta Taariikhdaada Danbe iyo Sumcadda aad ku Rabto inaad Hogaanka Dalka ku Hanato.

Beeli ma Doorato Musharaxa Xisbiga u Tartamaya, balse Golaha Dhexe ee Xisbiyada ayaa Doorta Musharixiinta Xisbiga kuwaasi ayaana kala Reeba Tartamayaasha, haddii aad Qalad ka Fahanto Tartanka waa Ayaan Darro oo aad Dhaafi kari Waydo kala jabinta Beesha aad ka soo jeedo.

Waa ayaan Darro inteeda leeg in Maalinba Hebello isku jawaabaan iyaga oo Hebello kala Taageersan, Waa ayaan darro inaad Runta ka Warwareegtaan oo aad Bulshada ku Maaweelisaan Xafiiltan Hoose oo idinka Dhexeeya halkii la idiinka Baahnaa inaad Xisbiga Gudihiisa Arinta ku Dhamaysataan haddii Tartanku Dhab idinka yahay oo aan Ciddi idin kala Adeegsanaynin.

Xukuumad iyo Xisbi Qaran ayaad Madax ka Tihiin oo aad Shaadhkeedii Huwantihiin, Dhaqankii Hogaamiye Maaha in Wax aydaan Awoodeeda iyo Fulinteeda mid lahayn in aad ku Colowdaan oo Bulshadana ku  kala Fogaysaan iyada oo aad heli karayseen Dariiqyo ka Fudud oo aad umari kartaan Hirgalinta Hankiina.

Waa iga Su,aale Miyaanay Tartanka Labada Masuul ee Wakhtiga Dheer soo jiitamayay u ekayn labadii Nin ee Bilaa timaha ahaa (Dhukurnaa) ee isku laayay Gadhfeedha, iyada oo aanay midkoona Faa,iido ugu jirin oo aanay lahaynba Timo ay ku Feedhaan.

Waxaan Hadalkayga ku Soo Afmeerayaa Tirxdii Alle Ha naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ee ahayd sidan:

 

Raggu waa is dili jirey

Dibna wuu u kaban jiray

Duubiguu ka naaftee,

Weli dunida lama arag

Cudur aan dawo lahayn

Doqonniimo mooyee.

 

 

 

Qalinkii: Mustafe Future

mccfuture@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here