FA-ga Ingiriiska oo Qorshaynaya inay Wenger Sugaan Sannadka ka Dhiman Heshiiskiisa Arsenal

0
1326

HargeisaPress —Arsene Wenger, ayaa hoggaaminaya liiska tababareyaasha FA-ga Ingiriisku rabaan inay xulka u magacaabaan, kadib markii uu shaqada ka tagay Roy Hodgson oo guul-darro kala hulleelay ciyaaraha qaramada Yurub.

Saddexda masuul ee FA-ga ugu sarreeya, ayaa qorshaynaya in xulka England uu muddo sannad ah hoggaamiyo Gareth Southgate si ay u sugaan Wenger oo heshiiska uu Arsenal kula joogo uu sannad ka dhiman yahay.

Masuuliyiintu waxay caddeeyeen in Wenger khibrad dheer u leeyahay Premier League iyo ciyaartoyga Ingiriiska, sidaa darteed suurto-gal tahay inay sugaan sannadka ka dhiman heshiiskiisa Arsenal.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY