Eritrea Oo Ciidamo Keentay Xuduudka Djibouti Ee Ay Ciidamada Qatar Baneeyeen

0
1524
Djibouti accuses Eritrea hired mercenaries of crimes

Djibouti,(HargeisaPress) —Dawladda Djibouti ayaa sheegtay inay Ereteriya ciidamo soo dhoobtay xuduudka ay wadaagaan ee ay isku hayeen oo ay baneeyeen ciidamada dalka Qatar.

Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Jabuuti  Maxamuud Cali Yuusuf oo shir jaraa,id qabtay ayaa ka waramay saamaynta ka dhalatay markii ay ciidamada Qatar baxeen, waxaanu yidhi ““Markii ay dhibaatadu ka dhex dhacday dalalka Khaliijka  dawlada Qatar ayaa go,aansatay inay ka baxdo dhex dhexaadintii ay ka waday Jabuuti Iyo Ereteriya waxaanay qaadatay ciidamadii nabad ilaalinta u joogay xuduuda, wararka na soo gaadhayaa  waxay sheegayaan in ciidamada Erateriya ay ku noqdeen halkii, waxaana hore u jiray go,aan ay Qaramada midoobay qaadatay sanadkii 2009-kii kaas oo sheegaya in ciidamada labada dal ee jabuuti iyo Eretria ay ka durkaan meesha lagu muransanyahay ilaa xal loo helayo xadka la jeexayo.’”

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Hadii ay Ereteriya  ay meel kaga dhacday go,ankaas kolay adduun weynaha iyo mujtamaca dawliga ah ayey u taala qaraarka ay ka qaadan doonaan Eretria.”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dawlada jabuuti diyaar u tahay xal kasta oo lagu dhamayn karo muranka u dhaxeeya Ereteriya “Anagu hadaanu jabuuti nahay haday dhinac milatari tahay waanu gaynayn ciidamadayadii Dumeera,haddii la odhanayo dublamaasiyad wax halagu dhameeyo, agaasimaha guud ee Qaramada Midoobay dhambaal ayaanu u dirnay, waxa kale oo aanu dhambaal u dirnay xoghayaha guud ee ururka Afrika iyo dalalka carabta, Jabuutina waligiiba dal nabad doon ah ayuu ahaan jiray kolkaa xalka dublamaasiga iyo siyaasiga ayaanu horaysiinay, haddii ay Ereteriya  ku adkaysato xalka milatari jabuuti diyaar ayey u tahay, ciidamadayadiina way joogaan dumeera.”

Sidoo kale waxa uu ka waramay dalka ay u arkaan inuu badalo karo doorkii Qatar ee dhex dhexaadinta labada dal waxaanu yidhi “Dalka badalaya ciidamadii Qatar waxa dooranaya Qaramada Midoobay haddana waxa loo baahan yahay in labada dal ee Jabuuti iyo Eretria inay raali ka noqdaan cida dhex dhexaadinaysa, haddii sucuudigu imanayo waxba kama qabno laakiin dalal kale oo qaban karaana way jiraan.”

Ereteriya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedaha dawladda Djibouti.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY