Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia oo Ka Digay in la Xidho Xawaaladaha

0
1085

HargeisaPress  — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa ka digay in bankiga Merchants Bank of California ee Mareykanka uu xiriirka u jaro xawaaladaha Soomaalidu ay lacagaha sii mariyaan marka ay Soomaaliya u dirayaan, iyadoo bankigan uu ku dhawaaqay dhawaan inuu joojinayo xiriirka xawaaladaha Soomaalida uu la leeyahay.

Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in dhaqaalaha ay dibadaha kasoo diraan Qubo-joogta Soomaaliyeed ay tahay midda keliya ee ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka, isagoo xusay in haddii la joojiyo xawaaladaha ay noqonayso musiibo lasoo darista Soomaalida gudaha ku nool.

“Lacagaha daafaha dibadda uga yimaada dad badan oo Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa ku nool waxay u tahay naf-badbaadin., walwal weyn ayayna nagu haysaa xawaaladaha ay lacaguhu maraan oo la joojiyo,” ayuu yiri danjire Kay.

Hay’adaha OXFAM iyo ADESO ayaa ku qiimeeyay lacagaha sannad walba uga yimaada dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku nool; ehelladooda dibadaha ku nool 1.3 bilyan sannad walba.

Merchants Bank of California oo ahaa bangiga keliya ee Xawaaladaha Soomaalida ay sii marsiin jireen lacagaha ay u diraan Somalia, isla markaana 80% ay xawaaladuhu lacagaha sii mariyaan ayaa sheegay in baqdin uu qabo in lacagaha xawaaladaha sii mara ay gacanta u galaan kooxo argagaxiso ah awgeed uu go’aansada inuu joojiyo xiriirka uu xawaaladaha Soomaalida la leeyahay.

“Waxaa jira dhaqan xun oo ay ku sheegaan hay’adaha la socda lacaga laga dirayo dibadaha inay gacanta u galayaan kooxo argagaxiso ah iyo IWM. Balse Somalia haatan kama jiraan bangiyo lacagta lagu hagaajin karo, taas awgeed waxaan ka digayaa in la joojiyo dhaqaalaha Soomaalida dibadaha uga imaanaya,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Kay.

Dhanka kale, xildhibaan Keith Ellison oo laga soo doorto gobolka Minnesota oo ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool ayaa ugu baaqay bangiyada Mareykanka inay xal u helaan dhibaatada ku wajahan xiriirka xawaaladaha Soomaaliya, taasoo soo billaabatay toban sano ka hor.

Ugu dambeyn, qoraal uu xildhibaan Ellison u diray xogyahaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry iyo xisaabiyaha guud ee Mareykanka, Jack Lew ayuu ku sheegay in joojinta lacagaha loo diro Soomaliya ee sii mara xawaaladaha ay tahay mid khatar weyn ku ah Soomaalida gudaha ku nool.

Si kastaba ha ahaatee, Merchants Bank of California ayaa horay u sheegay inuu joojinayo xiriirka xawaaladaha Soomaalida uu la leeyahay manta oo ay bisha Feberaayo ku beegan tahay lix.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here