Erdogan oo xilka ka qaaday mas’uul sare oo xukumaddiisa ka tirsan

0
857
Madaxweyne Erdogan iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhex ee xilka laga qaday PHOTO FILE

İSTANBUL — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xilka ka qaaday mas’uul sare oo ka tirsan xukumaddiisa kaddib marki uu isfahan la’aan soo kala dhex galay.

Madaxweyne Erdogan wuxuu xilka ka qaaday Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Turkiga Murat Cetinkaya wuxuuna mas’uulkaasi uu ku beddelay ku xigeenkiisa.

Xukumadda Turkiga faahfaahin rasmi ah ka soo saarin sababta Mr Murat oo xilka gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Turkiga soo hayey tani iyo April 2016-ka xilka loo qaaday.

Balse ila wareedyo xukumadda Erdogan ku dhaw ayaa sheegaya sababta Mr Murat xilka looga qaaday iney tahay marki ay madaxweynaha isku afgaran waayeen qiimaha dulsaarka bangiyada oo ay xukumadda Edrogan ku dooneysay iney hoos u dhigto.

Wuxuuna mr Murat uu go’aanka xukumadda Erdogan uu ku tilmaamay “Aabbaha iyo Hooyada khalad oo dhan”, wuxuuna Mr Murat uu ku doodayaa iney tallaabadaasi dalka u horseedeyso sicir barar guud oo dalka ka dhaca.

Dowladdana waxay go’aanka ay qaadi rabto ay u sababeysay kobaca dhaqaalaha dalka uu gaabiska ku yimid si kor loogu soo qaado.

Bangiga dhexe ee dalka Turkiga wuxuu bishi September ee kal hore uu dulsaarka 17.5% ahaa uu gaarsiiyey 24%. Madaxweynaha wuxuu aaminsan yahay in dulsaarka oo hoos loo dhigo ay kobaca dhaqaalaha dalka wax ka beddeli karto.

Qiimaha lacagta Liiraha Turkiga ayaa si aad ah sanadki hore hoos ugu dhacday, taasoo sababtay iney qiimaha lacagta Turkiga si xowli ah hoos ugu sii socto.

Ilo xog ogaal ah oo dowladda ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay khilaafka dulsaarka ka dhashay inuu ahaa mid soo taagnaa bilihi ugu dambeeyey.

Madaxweyne Erdogan iyo wasiirkiisa maaliyadda Berat Albayrak ayaa in mudda ahba doonayey inuu xilka iska casilo Mr Murat, balse wuxuu ku adkeysanayay inuu bangiga dhexe uu dowladda ka madax bannaan yahay.

Mr Cetinkaya oo xilka hayn lahaa muddo afar sana ah haddii uu xilka sii hayn lahaa wuxuu xilkiisa uu dhammaan lahaa 2020-ka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa qaba in sicir bararka ka dhacaya Turkiga ay ugu wacanyihiin shirqoolo uu sheegay in loo maleegayo dalkiisa, ee aysan ahayn xaalado dhaqaale xumo oo rasmi ah oo soo wajahay Turkiga.

BBC/Reuters

LEAVE A REPLY