Duufaan dad badan ku dishay dalka Mareykanka + SAWIRRO

0
889

MONTGOMERY — Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaan xoog leh oo axaddi dharbaaxday gobolka Alabama ee koofurta dalka Mareykanka.

Saraakiisha maamulka gobolka ayaa sheegay in ugu yaraan laba duufaan ay ku dageen gobolka, kaddibna ay sababeen jawi aad u qabow guud ahaan qeybaha koonfur bari ee gobolka. Dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto.

Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Lee Jay Jones ayaa u sheegay wakaalada wararka Associated Press in howlaha gurmadka ay joogsadeen xalay saqdi dhexe sababo la xariira halista burburka ay ka tagtay duufaanta.

Gudoomiyaha gobolka Alabama, Kay Ivey ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo uu gobolka geliyay, si dowladda federaalka ay u caawiso dadka ay saameysay masiibadan.

Hey’adda Saadaasha Hawada ee Mareykanka ayaa u dirtay gobollada Alabama, Georgia, Florida iyo South Carolina digniin ku aadan duufaantan.

VOA

LEAVE A REPLY