Dulmiga iyo Tacadiyada haysta Shaqaalaha Kastamka Berbera ee kula Kacayo Maamulaha Kastamka Berbera

0
1087

maqaalMaamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan ayaa baryahan danbe lasoo baxay tacadiyo ka dhan ah shaqaalaha kastamka berbera ka hawlgala kuwaasi oo uu inta badan ku sameeyo shaqo joojin joogto ah iyo amar ku taagleyn awood dawladnimo iyo masuuliyada uu hayo waxaanu inta badan shaqaalaha kaga joojiyaa shaqada buuga under correctionka ah iyadoo sida shraciga kastamka sheegayo uu yahay wax sharci ah, iyadoo alaabta marka hore lasoo qaro kadib la cashuuro ayaa hadana waxa ka danbeeya shaqaalaha barxada oo iyagu dib u jeeg gareeya waxa lasoo cashuuro taas oo wixii dheeraad noqdo u jara undercorrection ah oo in dib loo cashuuro haday jirto badeecooyin la dhaafay ama ganacsaduhu qaryey isla markaana ahaa nidaam weligiiba jiray oo labada qoloba isla shaqeynayeen shaqaalaha kastamka berbera taas oo uu maamulaha kastamku sameystay sharciyad u gooni ah oo aanay jirin meel ay kaga qortantahay sharciga kastamada dalka oo ah inuu ganaaxo ganacsatada oo lacag dheeraad ah oo dhan inti lagu qabtay 50% dakhli ah inankii alaabta soo qoray ee shaqaalaha ahaana shaqada ka joojiyo lacagtaas oo ku dhacda accounka baanka ah oo kula baxo awooda maamule oo uu sexeexo isticmaalana iyadoo aan lacagtaasi lagu soo celin shaqaalaha Kastamka iyo Dekeda ee Barxada Jooga ee qabta alaabooyinka kaasi taas bedelkeedana waxa isticmaala Maamulaha Kastamka iyo Madaxa Barxada Kastamka Cali Madhaafaan iyo Xisaabiyaha Gobolka oo isna sexeexa la sameeyo oo ay waxyar u tuuraan, iyadoo lacagtaasi ganaaxo wiiga noqota inta u dhaxaysa ilaa 40 milyan ama 70 milyan oo Somaliland shilling ah.

 

Waxa jirta iyana oo shaqaalaha kastamka ka lunsadaa maamuluhu lacagta overtime ka loo yaqaano oo laga qaado ganacsatadda watada badeecada iyo gadiidka la baxaya oo ah dakhli maalinle  ah waxaanu lacagtaasi u isticmaalaa Maamuluhu danihiisa gaar ah dakhli uu u isticmaalo dadka boodhka ayuu afka u marsadaa, iyadoo si sharciga ah todobaadkii hal mar loo qeybiyo wiigii waxay lacagtaasi dhaafi weyday tan iyo intii Gurxan yimi goobtaas 40 kun oo Somaliland shilling ah ilaa 30 kun kaliya iyadoo dakhliga over time ka ee wiigaasi la qabto marka celcelis ahaan la eego uu gaadho 50 milyan oo Somaliland shilling ah, waxa kaliya uu bixiyey 5 % ay leeyihiin ciidanka ilaalada cashuuraha inta kalena isaga ayaa ka dhigta kharash maalinle uu u isticmaalo.

 

Tacadiyada Ka dhanka ah shaqaalaha waxa kamid ah in aan la isku bedelin madaxda laamaha hoose ee kastamka oo ay u joogaan dad ay is fahmeen oo wada shaqeystaan isla markaana dadka uu isku bedelaa ay yihiin shaqaalaha karaaniyiinta ee look ala yaqaano soo eege iyo rare badeecaha kuwaasi oo uu tacadiyo kala duwan u geysto waxaanu kagaa dhigay miskiiin baa tun la fuulo leh.

Waxa iyadduna ayaan daro ah in tacadiyada iyo ganaaxyada ganacsatadii ka wareegeen dekeda Berbera uan wareegeen saylac dad badan ayaa aamin san in gurxan soo qaatay mashruuc lagu xidhayo dekeda Berbera.

Hadaba Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Waxaan usoo jeedinaynaa inay arimihaasi si mugeh wax uga qabtaan iyadoo la sheegay inay maamulaha tacadiyada badan libta ka haysto Madaxda Wasaarada Laakiin dulmiga aan loo dulqaadin Karin hana ogoodo gurxan in sida uu usoo shaqo tagay shaqaale hoosaadkuna family u shaqeynayaan.

Farxiya Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here