Dullucda Warbixin Xiiso Leh oo Warsidaha Wales Online ka Qoray Somaliland

0
818
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson

Cardiff, (HargeisaPress) —Shabakadda Wales Online ee dalka UK, ayaa  daabacay qoraal uu kaga hadlay Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu ciwaan uga dhigay “Somaliland oo shan maalmood uun aheyd qaran madax-bannaan ayaa raadinaysa  aqoonsi caalami ah.”

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay warbixinta lagu daabacay Warsidaha Wales Online,  oo u qornayd sidan:-

“Somaliland waxay  ahayd dal madax-bannaan shan maalmood oo kaliya sannadkii 1960kii, laakiin dadka reer Somaliland ayaa muddooyinkan dambe sameeyey taariikh hor leh, waxana u hirgashay   nabadgelyo iyo dimuqraadiyad tan iyo sannadkii 1991kii.

Shabakadda Wales Online waxay sheegtay in Somaliland ahaan jirtay illaa 1960kii maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray, waxaana tirada dadkeedu la mid ahaa xilligaas  mujtamaca reer  Weles, waxaana labada dal ee Wales iyo Somaliland ka dhexeeyey cilaaqaad weyn.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay qoomamaynayso midowgii ay la gashay Soomaaliya, waxaanay mar kale noqotay  dal madax-bannaan markii la afgambiyey kaligii Taliyihii Siyaad Barre ee Soomaaliya.

Wales Online waxa uu isbarbar-dhigay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ku sifeeyey  Soomaaliya  Qaran guul-daraystay  oo ay ka jiraan  kooxaha xagjirka ah iyo kuwa budhcad baddeedda, halka Somalilandna uu ku tilmaamay  “astaanta xasiloonidda ee qaaradda ay ka jiraan dawlado kalitaliyeyaal ahi.” Waxaanu xusay inuu Somaliland ka taliyo madaxweynihii shanaad ee  si dimuqraadiya loo doortay isla markaana xukunka la iskugu wareejiyey si nabdoon.

Shabakaddu waxay xustay in Soomaaliya ay haysato ictiraaf caalamiya, halka Somalilandna aan wali la aqoonsan.

Warsiduhu wuxuu tusaale u soo qaatay Iid Cali Axmed oo reer Somaliland ah, horena u ahaa aqoonyahan baanka ka shaqeyn jiray oo  qaxoontinimo ku yimid magaalada Cardiff oo uu ka soo cararay xilligii kaligii taliyihii Siyaad Barre xukumayey Soomaaliya, waxaanu sheegay in dadka reer Somaliland ay yihiin qaar  hal-abuur ah isla markaana ay haystaan  dad badan oo aqoon sare leh.

Iid Cali Axmed oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo degan Wales

Iid Cali Axmed wuxuu ku dooday  booqashadii  Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK,  Gavin Williamson ku tagey Somaliland ay muhiim aheyd, hase ahaatee  ay xafiiska Arrimaha dibadda Ingiriiska ka doonayaan inay aqoonsadaan Somaliland oo ay  ku abaal-mariyaan wixii ay qabsatay.

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibadda UK, ayaa Wales Online u o sheegay in ay rumaysan yihiin in Somaliland iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay heshiis ka gaadhaan mustaqbalkooda, isla markaana  aqoonsiga ay hormuud ka noqdaan dalalka ku yaalla gobolku.

Xafiiska Arrimaha Dibadda UK  wuxuu intaas ku daray in Ingiriisku  uu  xidhiidh soo jireen ah la leeyahay Somaliland, isla markaana ay sii wadayaan inay dhiirigeliyaan  wadahadalka u dhexeeya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY